HomeHaayada FAO Oo Somaliland U Balanqaaday Dib U Xoolaynta Dadkii Abaaruhu Ay...

Haayada FAO Oo Somaliland U Balanqaaday Dib U Xoolaynta Dadkii Abaaruhu Ay Caydheeyeen iyo Taageerida Beeralayda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO).

Madaxwyene ku xigeenka waxa kulanka ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirku ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Mudane Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer), halka ay dhinaca masuulka FAO ay wehelinayeen masuuliyiinta Somaliland u joogta hay’adaasi iyo masuuliyiin la socday.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada wehelinaayey iyo weftiga hay’adda qaramada midoobay oo wada hadal dheer ku yeeshay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa kulanku markii uu soo dhamaaday ka warbixiyey fadhigoodii iyo waxay ka wada hadleen, waxana madaxweyne ku xigeenka oo arrintaa ka warbixinayaa yidhi “waxa maanta halkan nagu soo booqday wefti sare oo uu hogaaminaayo Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), runtii sidaad la socotaan FAO hay’adaha ugu qiimo badan hay’addaha qaramada midoobay, waana qaybta hay’ada u qaabilsan qiimaynta roobabka iyo abaaraha iyo halkay xaaladu marayso u kuurgala. Runtii hawlo badan ayey nala qabtaan, waxan ku faraxsanahay maanta inay iyagoo awalba nala shaqayn jiray ay jawaab degdeg ah ka soo bixiyeen, una soo diyaar garoobeen mudnaanta koowaadna ay siiyeen Somaliland marka la eego abaaraha saameeyey dhulka soomaalidu degto oo dhan oo xaaladaha ugu adagi ay ka jiraan. Waxay noo balan qaadeen iyadoo dhaqaale cidhiidhi dunida ka jiro oo dhibaatooyinka aduunka iyo qaxoontiyadu ay farabateen, waxanay dib u xoolaynayaan dadkii ay xooluhu ka dhamaadeen, beeralaydiina dib looga caawiyo wax soo saarkoodii ka baaba’ay. Waxay kaloo balan qaadeen in ay xoolo tiro badan ay talaali doonaan, iyadoo ay xoolo badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’a weyntii xoolaha. Wuxu intaa ku daray madaxweyne ku xigeenku in hay’adu 6000 oo qoys ay siindoonaan lacag ay ugu talogaleen inay kaga shaqeeyaan in ay waxyaalihii ay manaafacaadsan jireen ee xoolaha iyo beeraha lahaa ay dib ugu soo nooleeyaan kuna shaqaystaan, waxanay balanaqaadeen inay samaynayaan biyo qabatin, intaasina waa hordhac balse qaylada waanu dheeraynay ayey yidhaahdeen weftigu.Ayaa ka mid ahayd hadalka madaxweyne ku xigeenka

Warbixintii madaxweynaha Somaliland hore u soo siiyey ninkii hay’adan ugu sareeyey ayaa na soo gaadhsiiyey iyadoo qiiro xambaarsan ayey weftigu sheegeen ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku, waxanay sheegeen inay aad ugu farxeen inay dawlada, shacbiga iyo ganacsatadu ay uguntadeen dadkooda una gurmadeen intaanay gacan kale soo gaadhin”

Sidoo kale waxa hadlay Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO) oo u mahadnaqay kulanka uu la yeeshay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha. Wuxuu inta raaciyey inay beri dalka soo gaadhayso talaal tiradiisu dhan tahay 3Milyan, isagoo inta ku daray inay ka goan tahay hay’adaha qaramada midoobay ee ay ka mid ka yihiin inay si buuxda ula shaqeeyana Somaliland, gaar ahaan wakhtigan adag ee dhinaca abaaraha ee Somaliland ku jirto. Waxanu si dhaw ula shaqaynaynaa ayuu yidhi wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland iyo Wasaaradda Beeraha, ayuu sheegay madaxa weftiga FAO.

Madaxweyne ku xigeenku wax auu noo sheegay sida uu dhulku u kala daran yahay iyo sida ay arrimuhu u kala mudan yihiin. Gebegebadii hadalka wuxuu masuulkaasi ku wareejiyey madaxweyne ku xigeenka lacag dhan 6100 Dollar oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha hay’adda FAO ee Somaliland ku sugan, lacagtaas oo lagu shubay akoonka abaaraha ee dahabshil.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories