Home"HAAMAHA BERBERA IYO DAMACA KELIGOOD HAAN LAYAASHA" Cali Guray

“HAAMAHA BERBERA IYO DAMACA KELIGOOD HAAN LAYAASHA” Cali Guray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Heshiiska TOTAL wax qarsoodi ah muu ahayn heshiis cad oo laba dhinac ah ayaa la wada galay oo cid kasta muxaafid iyo mucaarid oo danaynaysayba ay heli karaysay loona qaybiyay Golaha Wakiilada.Aniga laftayda ayaa helay copy ilaa haddana waan hayaa.

Sidii uu wakhtigaa u dhigay AHN Cigaal TOTAL waxay ahayd shirkad caalami ah oo dal ahaan ay jireen dano laga lahaa. Waxa ka mid ahaa in Somaliland ay nabad tahay oy ay soo dhiiradaan Shirkado kale gaar ahaana ay dhiirigeliso maalgashiga shisheeyaha( foreign investors)

Lakiin imika waa qarsoodi hadii aan wax si ka ahayn sidan si ka duwan bay xukuumaddu wax inoogu cadayh lahayd hadii arinku yahay mid loogu danaynayo qaranka siyaasad cadna way ka yeelan lahayd oo lagu qanci karo dadwaynaha, in kasta dadka Somaliland ay yihiin dad dhoohan oo kala jeclayn wax u dan ah iyo wax aan dan u ahayn labadbana ogol yihiin wax ay diidi karaana ay san jirin. Weliba laga yaabo inay daalac loo raaco cidda ka hadasha waxii iyaga u dan iyaga la yaaban oo leh BAL ISAGU MUU ISKA AAMUSO MAXA KA GALAY

Kolay in kasta oo wax waliba inaga qarsoon yahay ilaa hadda wax la wareejiyayna aanay jirin laakiin xalaal duhur baa la qashaa baa la yidhiye sidani wax inoo cuntami kara maaha hadii qasab lagu socod siiyo lafteedana inta xukuumaddan u hadhsan cimri ka badan yeelan mayso in kasta oon la hubin inta ka hadhsan xukuumadan cimrigeeda taasina ay dhibaatada ugu wayn ee MAANTA Somaliland ka jirtaa ay iyada tahay

Daawo:Badhasaabka Saaxil oo taageeray in Haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyo Shirkado Gaar Looleeyahay (Private) isagoo ku afgobaadsadey in Awelba shirkad Gaar ahi (TOTAL) Gacanta ku haysay

 

Q.2aad

Qisada HAAMAHA Berbera markaan eegay sida loo qaybsaday waxay I xasuusisay Gabaygii QAYB LIBAAX ee Xuseen Dhiqle. Waxa xiiso leh sababu nusuulka gabayga.

Waxa la yidhi markii ay Daraawiishi jabtay ka dib dagaalkii Dayuuradaha firxadkii Sayidku wuxu ku simay halkiyo Iimay oo uu ku Geeroyooday AHN eh. Walaalkii Khaliif iyo tiro lagu qiyaaso ilaa 400 oo Mujaahid ayaa xagaa iyo Baali qabtay oo caruusi u galay. Markii Khaliifna dhintay ayay nimankii caruusado dumarkii biliqaysteen. Gabadh qurux lahayd uu Khaliif ka dumaalay Sayidka ayaa markiiba Nin ay Qayaashmaashka walaalo ahaayeen guursaday. Waxa ka darnayd gabadh ay Sayidka walaalo ahaayeen oo la yidhi Xuseen Dhiqle laftiisa ayaa jeclaa oo doonayay inu mindhaa guursado balse waxa tiina u soo geed fadhiistay Qayaashmaashka laftiisii oo la odhan jiray Maxmed Daadhi. Xuseen Qayaashmaashka wuu arkay in aanu u diidi karin dabeed gabay ayuu ku siiyay. Wuxu yidhi:

QAYAASHMAASH LIBAAX BAA DHURWAA QAYBI YIDHI SOOREH

WUXU YIDHI HILBAHA JEEX DHAN QALO QOON DHAN BAAN NAHAYE

MARKAASUU QALBABAALIHII QOONSADUU DILAYE

DHIRBAAXUU IL KAGA QAADAY OO HOOR KA SOO QUBAYR

AF QASHUUSHLE GOORTUU DHINTUU SII QATAABSADAYEH

DACAWUU MAR KALE SOO QABSADAY SIDI QISAASEEDEH

WUXU YIDHI QANJAAFULO XUNEEY TALI QADAAR KAAYE

WAXAY TIDHI ADEER QAAR IYO DALOOL QAAXO IYO FEEDHO

QUMUD IYO BARUUR IYO LEG IYO QAWDHIHII KURUSKA

KUU WADA QORSHEEYAYE ISLAW NEEFKA WADA QAADO

MARKAASAA WIXII QADAY QABSADAY KOOBAB QADAF LEEYEH

WAX LA YIDHI QABIIL MA LEH DAYOY QAYBIYAHA AAREH

INAGOO QURUUN DHAN AH MAXAA QADO INOO WAAYAY

WAXAY TIDHI: QACDII HORE MARKAAN DEYAY KOBTII WEERKU SII QULUSHAY

BADH BAA KUU QISMO AH WAA WUXUU EEDAY QAAR YARE EH

DUQII NOO QAB WAYNAABA WAA QOOQ WAX LOO DILAYAY

ANIGOO QADAARKANA MIYAA QAMASH KA SOO WAAQSAN

QUDHAYDAAN U YAABAYE MIYAAN INA QASAAREEYAY

ANNA QAYB LIBAAX WEEYE TAA IGU QASBAYSAANE

LABADII QOF EE NAGAGA HADHAY QAAFADII DUMARKA

TII QURUXDA ROONAYD HADAY CALI LA QOOQAYSO

TANNA QAATA NAADOBA NIN BAY QAAC U SHIDAATAAYE

imika HAAMAHA Berberana iska qaata UUN ma nidhaa ilayn wax kasta oo la qaadanayay Reer Maxamed Daadhi iyaga ayuun baa qaadanayay eh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories