HomeHaa waad guulaysan kartaa! - W/Q: Saddaam Xusseen Carab

Haa waad guulaysan kartaa! – W/Q: Saddaam Xusseen Carab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHaddii gogosha loo hurdo tago isagu wuu u hawl doontaa, habeenku raaxo hadduu dadka u yahay isaga waa u raxan-raad waana u rafaad. Maalintii  wuu miyir iyo maanba qabaa. Habeenkii se dad kale iyo duunyo aan la aqoonbuu dhex galaa, dareen aan la la qabinbaana kusoo guda. Marba muuqaalo jaad jaad ah oo tabnaan iyo tognaanba le ayaa lagu soo tuuraa, hortiisana lasoo tubaa. Markaasay tafantoof iyo tiiraanyo qaarkood ku beeraan, qaar kalena dhiiranaan iyo dhabar adayg ku dhaliyaan.

Goorta uu saligiisa gurada kaga jiibsado ayaa lagu soo hormaa, hareerihiisana la buuxiyaa. Indhaha haduu is-galiyo isagoo hurdo damacsan waaba marka uu caalamka kale galo! Wuu hurdaa mana hurdo. Meel u dhaxaysa hurdada iyo soo jeedka, raaxada iyo raxan-raadka , dhibka iyo dheefta  ayuu habeen oo dhan dhex heehaabaa, dhinac uun inuu raacana waan ugu duceeyaa ee adna ugu ducee.

Caawa  waa  u caawa kale, wuxuu xamili waayay gogoshii uu ku jiifay, oo gal-galad buu micaansaday, gama’na adaaba sheegaya. Gurxanka iyo reenkiisana aar gantaal helaybaad moodaa. Cabbaar hadduu gel-gelimaysi ku jiray, tuur go’ii yaraa oo kaba soo jaqafii gurigigii.

Waa gudcur gadhoodhay oo haddii qofka kaa horeeyaa indhaha kaa ridayo ma arkaysid mugdi aawadii. Dadka dibada marayaa waa dhif iyo naadir, waanad tirin kartaa inta qof ee socotay. waa in caleentii ka go’day oo xidigaha cirka tirinaysa,waa in ciyaar ka timid oo daal cagaha jiidaysa,iyo in dan kale oo adagi soo saartay oo iyagana deg-deg ka muuqdo. Isaga se dareen intaaba ka duwan baa soo saaray oo saqdaa dhexe socodsiiyay. Ku darso oo ma garanayo goob uu ku socdo goortan.

Wuxuu socdo, dadkuna kolba sii yaraadaan markii dambe wuxuu is arkay isaga oo ku keliyaystay wadadii. Wadaba tu kale ayey u dhiibtaa, suryana mid kalay u gudbisaa. Ogow oo intaa uu socdo wuu isla hadlayaa waanu hogmayaa. naftiisuu la haasaawaayaa, iyaduna way u hal celinaysaa. Su’aalo ayuu iswaydiinayaa haddana wuu isku warcelinayaa. waydiimaha qaarkood warcelin buu u la’ yahay, qaarkood way qalbi jabinayaan oo quusbay ku ridayaan, qaarkoodna waxay ku beerayaan himilo fog, waxay ku dhalinayaan han sare.

Wuxuu socdaba tooshkii yaraa ee uu sitay wuxuu qabtay warqad waddada badhtankeeda taalay. Si kama’ ah ayuu isha ugu dhuftay, iftiinka tooshkuna qabtay. Waxa uu ku murmay inuu qaado iyo inuu dhaafo. Aakhirkii se wuxuu go’aansaday inuu qaado. Isaga oo ka baqanaya,  oo guuxa wadnihiisa iyo gariirka bawdyooyinkiisa aad moodo makiinad hadhuudh laga quusan waayay oo kale, ayuu ku foorarsaday. Soo qaad isaga oo shaydaanka iska naaraya.

Waraaqdu waxay u egayd duug aan daniba ku jirin qaadashadeeda. Markaasuu is waydiiyay maxaa kuu geeyay ee aad ku falaysaa armoo lagugu falayaa ama shaydaanka wax durreeya dabinkiisa tahay. Iyo mayee bal kala bixi oo akhri dabka ay doonto ha kulaashee. Haddii uu kala bixiya isaga oo jacdadkii ku jirayna ka toos-toosinaya, gacmuhiisa gariirayaana ay ku siganayaan inay waraaqdu ka siibato, ayuu markiiba isha ku dhuftay qoraal far waawayn ku qoran oo qiyaastii cinwaan u ah fariinta ku qoran warqada kaas oo ahaa ‘Haa waad guulaysan kartaa’. Wuxuu ka filayey iyo waxa kusoo baxay kala tagsanaa waaba kaaf iyo kala dheeri. Isla markiiba jidhkiisa waxa dhex qaaday farxad. Ileen farxadi waa naxdine haddana dhinicii kaluu istaagay oo wuxuu is waydiiyay cidda waraaqda dhigtay ma adigay ku ogayd mise waa amuur kale?

Deg-degsiimaha ka galay fariinta ku qoran warqaddu waxay u saamixi wayday inuu la fadhiisto dabadeedna akhriyo. Halkii uu taagnaa ayuu ku bilaabay akhrinta waraaqda isaga oo adeegsanaya tooshka uu sito.

Fariinta ku xardhanayd warqadu waxay u dhignayd sidan:

 “Haa waad guulaysan kartaa haddii aad damacdo, waanad guul darraysan karta haddii aad doonto.
Hammiga iyo hiigsiga aad leedahay ma u jeexday majaro iyo meel uu maro? Mise hammi iyo hiigsi toona ma lihid ee guul ayuunbaad rabtaa?  Maxaad ku diiday inaad u dhabar adaygto dhib kasta oo kugu gaadha sababta iyo wadada dooniseed ee xaqiijinta himiladaad? Maxaad se ugu beer-nuglaataa balaayada buuraha oo kale kuula eeg ku gudban gaadhista dheefta aad raadinayso?  Inta aad afka ka hadlayso maxaad u hawl galin wayday ficilkaaga si uu kuugu durkiyo halka aa damacsantahay, mise waxaad hadalka iyo ham-hamta aan hawsha lahayn ku sasabtaa naftaada aad marka horeba beent au sheegtay? Markasta maxaad ugu qiil samaysaa duruufaha hor istaaga hankaaga? Mise waxaan dhabba kaa ahayn hanka aad ku hadaaqayso?” Oo miyuu jawaabayaa, waaba shib.

Isaga oo wali taagan. aad moodanna in qof uu ka haybadaysanayaa la hadlayo, waydiimahan canaanta ahna ka jawaabi kari la’ ayuu sii waday akhrinta qoraalkii ku duugnaa warqadda.

“Haa waad guulaysan kartaa adigu, Inta aad han sare, himilo fog, iyo hab-dhaqan rumaynayaba aad leedahay. Adiga oo raba ka sal gaadhida hiigisigaaga maxaa keena haddana inaad ka sal-fudaydo oo aad si dhibyar uga dhaqaajiso? Ma marka hore ayaanay kaa dhab ahayn mise dhabar adayg baanad lahayn? Dadka hadalkooda oo kaliyi markuu kugu dhaliyo ka hakashada hawsha aad gebo-gabadeeda raadinayso, dhaliishooduna maxay kugu dhalisaa? Inaad dhimashoba gaadho miyaa? “

Haddii uu sii waday akhrinta qoraalkan canaanta iyo waydiimaha miidhan ah, wuxuu soo gaadhay gaba-gabadii fariinta ku duugnayd oo aad moodo inay war celin u tahay waydiimaaha ka horeeyay.

“Han sareoo lagu daray hal-adaygnimo, kadib loo jeexay hilin qummani waa horseedka guusha. Dhinaca kalena niyad jabku waa nacabka guusha. Ha ka war warin in dadka intooda badani aanay ku taageersanayn waayo taariikhdaba haddaad dib u raacdo waligeed lama arag dad tiro badan oo isbadal keenay, cidda isbedelka keentay waxay ahayd dad laga tiro badan yahay. Duruufaha kugu xeersani yaanay marna sabab kuugu noqon in aad duruufahaa iyo kuwo kasii adag aad la deristo.  Se waa inay cashar kaaga noqdaan timaadada kuguna dhaliyaan ku dhiirashada isbadal togan oo aad ku qumiso naftaada inta aanad kuwo kale u fikin.  Ha quusan ee qotomi hankaaga, u qeex tubtiisa,  hana ka qaraarin jeerood ka gun gaadho.  Nabad iyo Caano”

Sawta dhamaatay yaraydaa farriintu!  Ma yara’e intaas ma wada samayn karta?

Haa waad guulaysan kartaa

Qalinkii: Saddaam Xusseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories