Home"Ha Ku Sirmin Siyaasadda Maraykanka ee 'Soomaaliya Mid ah' oo taageeradeedu ka...

“Ha Ku Sirmin Siyaasadda Maraykanka ee ‘Soomaaliya Mid ah’ oo taageeradeedu ka sii gudhayso Washington” – Brendon Cannon

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Brendon J. Cannon oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacadda Khalifa ee magaalada Abu Dhabi, ayaa booqasho taariikhi ah ku tilmaamay socdaal 12-kii bishan Somaliland uu ku yimi Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Afrika ee Maraykanka Stephen Townsend.

blankTaliyaha Hawl-galka Ciidamada Afrika ee Maraykanka Stephen Townsend oo socdaalkiisa ay ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Aqalka Gaashaandhigga iyo Safiirka Maraykanka, waxa qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, kahor intii aanay booqasho indho-indhayn ah u tagin garoonka diyaaradaha iyo dekedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay ujeeddada socdaalka weftiga Maraykanka iyo natiijada kulanka Dhexmaray, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinaca Ammaanka ee labada waddan.

Khabiir Brendon Cannon oo sidoo kale ah khabiir ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika, waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalka Taliyaha Ciidamada Maraykanku la xidhiidhay indho-indhayn uu ku samaynayo Garoonka diyaaradaha ee Berbera maadaama Maraykanku danaynayo inuu saldhig Milatari ka samaysto Somaliland.

“Tani waxay ahayd booqasho taariikhi ah. Taliyuhu wuxuu booqasho ku tagay Jamhuuriyadda Somaliland si uu u qiimeeyo Garoonka iyio Madaarka Berbera haddii xaalad deg-deg ahi timaaddo,” sidaas ayuu yidhi Brendon oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey bartiisa Twitter-ka maanta.

War-murtiyeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Marayanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay wax lagu tilmaamay siyaasadda Maraykanka ee midnimada Soomaaliya.

Khabiirkan oo daba-socda war-saxaafadeedka Taliska Milatariga Maraykanka iyo saamaynta uu yeeshay, waxa uu sheegay inaan lagu mashquulin siyaasadda Maraykanka ee midnimada Soomaaliya oo xusay inaanay taageero badan ka haysan dowladda Maraykanka.

“Ha Ku Sirmin siyaasadda Maraykanka ee ‘Soomaaliya oo mid ah’ oo taageeradeedu ka sii gudhayso Washington”, sidaas ayuu yidhi Brendon Cannon.

Isbahaysiga Reer Galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo oo cabsi xooggan ka qaba saamaynta uu Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, ayaa danaynaya inuu saldhig Milatari ka samaysto Garoonka diyaaradaha ee Berbera oo dib-u-casriyeyn lagu sameeyey.

Xiisaha Maraykanku u qabo saldhig Milatari oo uu ka samaysto garoonka diyaaradaha ee Berbera, ayaa sababtay in dowladda Maraykanku marti-qaad u fidisay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo badhtamaha bishii March ee sannadkan socdaal ku tagay magaalada Washington ee Xarunta dalka Maraykanka, waxaanu weftigu kulamo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka, waxaanay labada dowladood kala saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo dhexmara labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories