HomeHA KIRAYN HANKAAGA

HA KIRAYN HANKAAGA

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Magaca Alle ayaan ku bilaabaya Mahad oo dhan isaga ayey u sugnaatahay. Qofkii uu laheeyo cidna ma hadayso kuu hadeeyana cid kale ma lahayn karto. 

 

Ilaah waa ma dhintee

Dhaxal weeye warkaygu

Dhaabad wayn u samee

Dhalintii maqashiiyoo

Dhegta hoos ugu sheeg .

Hagaha ama Hogaamiyaha iyo Horjoogsadaha dhabta ah ee qof kasta ALLE (swt) hibada u siiyey waa awooda  qalbiga waana  deeq  adoomadiisa uu kaga  duway  xayawaanka iyo noolaha intiisa kale, Dheeraad ayuu Waliba kala siiyey iyaga dhexdooda  layskumana  gaadho  doorashada himilooyinka iyo daadihintooda toona. Qaadashada duruusaha nololeed ee Maalinlaha  ah,  waxa loogu kala horeeyaa kas-bashada xalal kooda iyo meelaha lagala soo baxo intaba.

Iska dhaaf qof inbu-Adam ah ee xataa xayawaanku iskuma gaadhaan kartida iyo korinta noloshoodda. Intuba waa darsi adiga laguu dhigay ee Alle SWt ma jirto ciduu u wayey dheeraadka noocaas ah.

Waa halkaan u socdee waxaan maqli jiray “HADAAD KUN WAYDAY MA KAARTAAD WAYDAY?”.  hibooyinku iskuma jiraane alle wuxuu ku manaystay karti maskaxeed laakiin ma yaqaan xeeladaha loo isticmaalo nimcadaas alle ugu deeqay si xor ah, gar ama talo hadii loogu dhiibi lahaa .. ruugcadaa 80 jir ah waa ka yaqaan, kunnimona sinji uma leh, garashadu ma liidato hadanna gafafka naftiisa uu ka galayo ma aqoonsana.

Waa ma gafe, gartii yaqaan, gar-daro badane hadana waa guul wade aan noloshiisa shilin xor ah liqin. Subaxdii Hiirta hore ayuu kacaa oo waxa uu iska xaadiriyaa school ka xanta iyo xumaanta qaybtiisa siyaasada qalafsan iyo calool xumada reer hebel ee Madaxtooyada agteeda (maqaaxiyaha gobolka). Wuxuu si dhow ugu dhuun daloolaa dhamaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee wadanka, Xilliga hadhimada markay noqoto waxa uu xareeyaa macaashkii sarifka/ xanta siyaasada dowladda marba sidaad u taqaan. Taa bedelkeeda shaaha, shidaalka iyo fadhiga maalintaasi waxay saran yihiin miiska, intaa waxa u dheer amaanta iyo iska dhaadhicinta, kalmadaha dhagihiisa ku soo dhaca ee dhiiri-gelinta ah waxa ka mid ah “Kalidii Nin raga, halkaa ka sii wad” iyo xabad dhirbaaxo ah oo garabka bidix looga sii raaciyo.

Sanad kasta guulihiisa shaqsi ahaaneed waxad si tafatiran uga helaysaa aallada bulshada kulmiya ee Face book ga loo yaqaan, Gaba gabadeeduna- waa amaan. Ileen waa habar iyo habeenkeed, Hooyaddii  waxay ku fara jabtay maydhida dharkiisa maalin kastana waxay u dhididaa sidii ay qado macaan ugu diyaarin lahayd.

Habel kaas bulshada dhexdeeda waxaa loogu yeedhaa “ waa dhegtii hebel” oo u dhigan iska jir!. Shaadhkii hooyadii maydhay wuxuu ku wasakheeyaa in uu yahay Xamaal bilaa sharaf ah.

Gunaanadka hadal kaygu waxa uu yahay dhalinyaro haysku dayinna in aad siyaasada inteeda xun barataan, ogow in aad ku amaanan tahay wixii wanaagsan,

 

shaqo la’antu ceeb maaha ee sharaftaada haku ciyaarin!. 

 

W/Q- Rooda Maxamed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories