Home"HA KA TALIN MASIIBIYO WAX MAKHLUUQA KALA DILA" - W/Q C/Qaadir Sheekh

“HA KA TALIN MASIIBIYO WAX MAKHLUUQA KALA DILA” – W/Q C/Qaadir Sheekh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWaxa ay ku siman tahay mudo 21 sano ah tan iyo markii aynu dib u gala soo noqonay madaxbanaanideenii soomaaliya 18 may 1991 ayeynu soo ceshanay , 31 sano oo cadaalad daro iyo cabudhin ay ina soo gaadhay

18 may 1991 waxa ay beelaha Somaliland ku gaadheen inay xoriyadoodii la soo noqdaan oo ay noqdaan qaran ka madaxbanaan .  si ay uga badbaadaan wixii ay soo mareen iyo tacadigii la ina gaadhsiiyey ee aynu kaga goosanay soomaliya

Waxaad shalayto mudatiyo

Mahadhada xasuusnow

Halkii qorigu kaa muday

Mar labaad lugtaadiyo

Cagtu yaanay kula marin

Maantiyo dantaadiyo

Yaanu mililku kaa lumin

Maalmaha danbeeyiyo

Waxa maqana faalee

Go,aankii ay gaadheen beelaha s/land waxa uu dhalay dowlad taas oo laga rabo inay ilaaliso midnimada ,cadaalada  iyo horumarka bulshada iyo sidii ay iskugu hayn lahayd walaalnimada iyo dareenka wax wadaagta ah ee ka dhaxeya bulshada . kana hortagto wax kasta oo dhib iyo xanuun u keenaya bulshada iyo qaranimada oo aanay ku xasuusan dareeno xanuun badan oo ay soo mareen .

Odayaasha dhaqanka inaga oo u hayna maamuus aad u wayn kuna ixtiraamayna kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarka dalka ee xag nabad galyo iyo horumarba leh oo mahad wayn uga hayna waxaynu leenahay maadaamood go,aamiseen in qoriga la dhigo oo qaran la noqdo waxa inala gudboon inaynu dowlada u daba joogsano hogaaminta umada . hadii uu khalad ku muuqdo waxa aad ku sixi kartaa adiga oo  u tagi kara cida aad wax ku toosinayso  laakiin hadalka warbaahinta la isku marinayaa waa hadal raad ku reebaya  quluubta shacabka

Waxa maalmahan dhagaheena ku soo dhacayey soo hadal qaadka beelaha hadii hadalhayntiisu sii socotana naxli ku abuuraya bulshada dhexdeeda waxa ina la haboon inaynu ka feejigaano wax yeelada ay qabyaaladu leedahay

Lugooyada qabyaaladi dhigtaa  , waa lur aan hadhine

Ninka manta liil gelinayaa , waa mid  liitiya

Waxa kale oo aan ururada siyaasada leeyahay mar hadii aad xulanaysaan musharaxiinta golaha degaanka  afkiina ka dhowra soo hadal qaadka qabiilka waxa ka asturan indinka oo yidhaahda waxaanu soo bandhigaynaa musharixiintii deegaan hebel waa runtiin oo ma jiro qof aan qabiil ka soo jeedin hadana yaanay si kale u qaadan maangaabka  iyo nacabka Somaliland  .  ururada siyaasadu waa meelihii laga hirgalin lahaa ee laga noolayn lahaa dimuqraadiyada s/land ee la baabiin lahaa dareenka xun ee qabalaysiga . waana meelihii laga korin lahaa gaaraadka dadka ee wanaaga laga fari lahaa keeni lahana  bulsho afkaari midayso .

Waxa aan ku soo gabagabaynaaya qolooyinka warbaahinta  oo aan iyana kula talin lahaa inay bulshadooda u soo gudbiyaan wax  ay wax ka faa,iidayaan oo ay u hoga tusaaleeyaan horumarka aduunku gaadhay iyo sidii ay uga faa,iidaysan lahaayeen ee ay ku dayan lahaayeen ee aanay iyana u soo gudbin wax dhaawac ku keeni kara  bulshada oo kala kaxaynaya . waxa aan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan

Wax badan baa hayaay iyo wareer , la isla hoos galaye

Laba hooyo wada foolatoo , hudantay waa ceebe

Hadhka nabada lama dhaawace, hadimada daaya

Ninwalbow wixii kugu haboon ,hoos u dhugo caawa

Waxa aan halkan uga ducaynayaa inuu ilaahay u naxariisto labada abwaan ee aan tuducyadoodii ku xusayey halkan waana

Ibraahin sh saleebaan  (ibraahin gadhle )

c/laahi suldaan (tima cade )

qalinkii : c/qaadir sh maxamud muxumed

cabdi_sheekh666@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories