HomeHa is Moodin Keligii Dhibanne

Ha is Moodin Keligii Dhibanne

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Waa barqo dheer, goor sheegtaduna ay sheegayso tobankii subaxnimo “10:00am” Goobtuna waa isbitaalka wayn ee magaalada. Saaka waxaa hor tuban dad badan oo duruufo kala duwani keentay

 

isbitaalka, mid murugo la aamusan, mid kacaa fariisanaya iyo mid cabanaya intaba waa isugu jiraan, oday baase aad uqaylinaya oo dadku afkiisa wada dhawrayaan, kalkaaliyaasha ayaa dhowr jeer isku dayay inay qanciyaan, hase yeeshee waxay usheegeen ma noqon waxuu ku qancay balse wuuba kasii daray, waa kan hadba gees isku majiiraya.

 

Muddo daqiiqadaa kadib ayaa hal mar la dareemay isbadal la garan-waayay in cabbaar ah halka uu ka yimid, odaygiina qayladii iyo balawgii uu isku waday waa kan yara hakiyay oo inta  uu luuday dhanka galbeed wakaas sii himbiriirsanaya, talaw maxaa dhacay oo odayga aamusiyay ayuu qof walba naftiisa ku siraystay, oo halmar lawada hanqaloocsaday meeshaan odaygu ku dhaygagay?

 

Mise waaba Dhakhtarkii Qaliinka oo ordaya, oo jirkiisoo dhan dhidid qooyay, daqiiqado ka hor ayaa loo sheegay in uu jiro wiil ubaahan qaliin degdeg ah, hadaan sida ugu dhakhsiyaha badan howshiisa loo galinna xaaladiisu halis tahay! Isna waxuu hayayba inta qubay waa kan isbitaalka mirir ku yimid si uu wiilkaa yar ee miskiinka ah ubad baadiyo waalidkiisna murugada uga biiyo, hase yeeshee waxaa dhacay waxuusan filanayn dadkii meesha dhoobnaana fajiciso ku reebtay balse uu si degan u maareeyay, waa ninkii qaylinayay ee daqiiqadaha yaree uu aamusnaa la yara nafisay, inta hor istaagay dhakhtarkii ayuu mar qura waxaan la arag oo cataw iyo eedayn ah kala duldhacay, waxuuna ku cataabayaa “Maxaad usoo daahday oo waqtiga intaa leeg sugitaankaagu noogu qaatay? Miyaadan ogayn in wiilkayga xaaladiisu halis tahay? Miyaadan dareemayn masuuliyadda intaa leeg?

 

Dhakhtarkii inta dhoolo cadeeyay ayuu si degan odaygii wax ugu sheegay, waxuuna yiri, “Adeer waan ka xumahay waxa dhacay oo  majoogin isbitaalka markii wiilkaaga la keenay, hadana markii la iisheegay waa anigan soo degdegay ee imid, marka adeer isdaji waxba naga xumaan maayaanee, anna waxba ka hagran mayo intaan uqaban karo, Ilaahayna SW wuu nala garab galayaa ee aan talo saarano kadibna dhakhtarku waxuu ugud-bay qaybtii qaliinka.

 

Waydiimaha maankiina ku soo dhacaya ee aad iswaydiineesaan markaan intiina lasocota sheekadaan waxaa kamida, talaw maku qancay odaygu waanadii dhakhtarka? Jawaabtuse waxay tahay may ee dakhtarkii oo sii socda waa kan odaygu markale furkiiba tuuray, oo misna isagoo xanaaqsan ka daba yiri. “Is daji kulahaa? Maxaan isdajiyaa? Ka warran hadduu wiilkaagu xaaladaan ku jiri lahaa, oo waliba adoo arkaya u dhiman lahaa, Maxaad sameen lahayd? Wey!

 

Dhakhtarkii wuu maqlay waydiimaha odaygu ka daba tuuray, mar labaad intuu dib u soo jaleecay isagoo dhoola cadeenaya ayuu ugu jawaab celiyay erayo xikmad badan xambaarsan, waxuuna yiri “waxba ma sameeyeen balse waxaan maankayga xasuusin lahaa oo usheegi lahaa kaliya In ciida na laka abuuray iyadana dib naloogu celin doono Ilaahay sw amarkiis” marka adeer maankaaga gali dhakhtar naf waqtigeedii dhamaaday masoo celin karo, balse Ilaahay oo kaliya ayaa awooda ee ubari wiilkaaga! Anaguna waan udadaalaynaa inta karaan kayaa Ilaahay idankiis.

 

Odaygii markaan waa yara degay waxuuna bilaabay inuu hoos u gunuunaco sidii qof quus taaganoo kale, waa kan isagoo hoos iskula hadlaya yiri “Waano aan waqtigeeda lahayni afka u fududaa” waa halkay maahmaahda soomaaliyeed ka lahayd “Meel hoo ubaahan hadal wax kama taro.

 

Muddo saacada ah ayay dhakhtarkii ku qaadatay inuu kusoo gabagabeeyo qaliinkii uu wiilka ku sameenayay, hadda wuu soo gabagabeeyay, in Ilaahay SW ku guuleeyay badbaadintii wiilka yar waxaa cadeenaya kalmadda cajiibkaa ee afkiisa ka soo baxday “Alxamdu Lillahi” durbadiiba aabihii wiilka dhalay uyuu ku wargaliyay in wiilkiisii badbaaday, misna uraaciyay isagoo sii ordaya haddaad wax waydiin ah qabto waxaad waydiin kartaa kalkaalisada wiilka.

 

Odaygu ma jeclaysan qaabka dhakhtarku ula dhaqmay aad ayuuna u la yaabay habdhaqankiisa, welwelkii uu ka qabay cunigiisa waxaaba ugasii darnaaday dhakhtarkaan aan fursaddaba u siinayn inuu dhagaysto su,aalaha badan ee maankiisa ka guuxaya ee uu islahaa dhakhtarku hakaa qanciyo, halkuu warka fiican ee wiilkiisa looga soo sheegay ku farxi lahaa, Ilaahayna SW ku xamdi naqi lahaa sidoo kalena dhakhtarka umahad celin lahaa waxuu isku furay welwel, madaxiisana waxaan jirin ayuu ku mashquuliyay oo waxuu hadda u caraysanyahay dhakhtarkii wiilkiisa qaliinka ku sameeyay!

 

Waa kan misna xanaaquu u qabay dhakhtarka kala dul dhacay kalkaalisadii oo isagoo qaylinaya ku yiri, “Waa maxay dhakhtarka caynkaan ah ee xirxiran? Xitaa fursad nasiin maayo aan su,aalo ku waydiino.

Kalkaalisadii ayaa ugu jawaabtay iyadoo Ilmaynaysa: “Ninkaan aad eedda uhaysato shalay ayuu wiilkiisii shil gaari ku geeriyooday, saakana asagoo jooga aaska wiilkiisa ayaan ugu yeernay si uu ubadbaadiyo wiilkaaga! hadda wakaas ku guulaystay qalinkii uu wiilkaaga ku sameeyay oo kuu badbaadiyay, waxuuna u deg degayaa dhamaystirka aaska wiilkiisa adiguna wali eed baad uhaysataa”!

Jawaabtii ay gabadha kalkaalisadu siisay ayaa ku noqotay filanwaa! Haduu isla qumanaa hadda waxaa maankiisa ka guuxaya waydiimo ay kamid yihiin, maxaad samaysay?! Haduu is caburinayayna hadda waa kan dhafoorada haysta oo labada gacmood madaxa isugu geeyay.

Waxaan sheekadaan ka baranaynaa muhiimada dulqaadka iyo samirku bulshada uleeyihiin, diinteenna suubanna in badan ayay inoo sheegtay, imisaad aragtay qof u caraysan qof kale oo xataa haddaad waysdiiso aan kuu sheegi Karin sabab sax ah oo lagu qanci karo, imisaad maqashay mid ku haya hebel kas buu teleefonka iiga qaban la’yahay oo xataa aan garanayn xaaladduu ku suganyahay, (inuu  noolyahay, inu caafimaad qabo, inuu howl ku jiro iyo inkale toona) waxaa laga yaabaa xataa inuusan dib ula hadlin arintaas darteed. Mida kale inta badan dadka qof kasta waxaa haysta dhibaato ugooniya oo uu la tacaalo una qarsoon, hadaba haddii dhibaato ku haysato ha ugu caroon dadka saa garanba maysid iyagu waxay ku suganyihiine.

F.G.Qodobadaan aan kusoo gunaanaday waxay qayb ka yihiin is faham waaga manta bulshadeena ka dhex taaagan, waxayna Soomalidu ula baxday magacyo ay kamid yihiin “Buufis buu qabaa iyo Jinkiisaa neceb iwm”.

Waxaan qalinka kusoo xirayaa cinwaanka sheekada “Ha ismoodin kaligii dhibbane”.

 

 

Cabdifataax Xasan Cirguje

Email: cirguje1986@gmail.com
 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories