HomeHa Is Dilin!

Ha Is Dilin!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Adiga oo qudha/nafta  iska jarin ayaa haddana aadan ka duwanaan karin qof birta iska aslay, waliba xilliyo ayey ka xuntahay kana xanuun badan tahay qof gacantiisa isku dilay oo nafta is dhaafiyey.

Siyaabo badan ayaa la isku khaarajiyaa, ama gacan kale ha ku khaarijiso ama gacantaada ba isku khaaraji yoo, mar waa adiga oo nafta lagaa jaro ama aad is dhaafiso, marna waa dhaawac curyaamin ah oo nolasha wax ba dhaamin oo laguu gaysto ama aad isku gaysato.

Waxa kale oo se jira mid ka duwan, nafna cidi kaama jarin ama is maad  birayn, sida oo kale na dhaawac dhulyaal u noqotana meelna kaagama iman, se adiga oo socda, caafimaad qaba, waraabana ka fayoow ayaa ka darnaan kartaa ka dhulyaalka ah ama adduunka la dhaafiyey.

Adiga oo meel kale xusuustaada gayn ama aadan ka raadin meel dheer waxa ay tahay arrintani, meel gaaban aan ka soo qabto, waa magac dil.

Magacu waa tilmaamaha qofnimadaada, waa sifeeyaha shakhsiyaddaada, waa kefad lagu miisaamo qiimaha shakhsiyadeed ee kugu duugan.

Ilaalinta magacaagu waxa uu ka tarjumayaa qiimaha qofnimadaada, waana hubaal haddii magacu mar uu dhulka kaaga dhaco sidii aad kor ugu soo qaadi lahayd in ay adag tahay.

Magaca waxa uu u taagan yahay sharafta, siyaabo badan ayaa sharafta qofku uga lumtaa ama uu isaga lumiyaa, isaga oo qofku mutaysta magac xumo, sumad bulshada la kaga gartana yeellanayo.

Magaca waxa dhaawacaya adiga oo beennaale ku caan baxa, war badane, cay badane, kibraani, khaayin, dirdiraalle, muuqo, qabyaaladda, macaasida iyo wax yaabo badan oo kale. Wixii intaa ka duwan waa astaan lagu dhowro magaca, se waxa qofka ay tahay in uu madaxa ku hayo, haddii uu khalad mar ka dhaco in sida ugu dhakhsiyaha badan uga laabto, taas oo muujisa iyaduna geesinimo ama bisaylnimo qofnimo.

 

Halkii qorigu kaa muday,

 

Mar labaad lugtaadiyo,

 

Cagtu yaanay kula marin,

 

 

 

Alle ha u naxariisto Ibraahim Gadhle, waxa uu tilmaam ka bixiyey magaca qiimaha uu leeyahay isaga oo leh:

 

Magacaagu yuu noqon,

 

Mid xumaan ka marag-kaca,

 

Sida macawisaa qaar,

 

Ninba maalin yuu xidhan,

 

Hadba kii muraadle ah,

 

Hawga dhigin maqaar-saar,

 

Mar waxaad dhandhamisiyo,

 

Mijin qaad ah haw dhiman,

 

Hana talin masiibiyo,

 

Wax makhluuqa kala dila,

 

Aragtida oo la kula yeesho ama la kugu shubto iyana waa mid ka mid ah waxa magaca dila, in qofku aragtidiisa u madax banaannaan waayo waxa ay astaan u tahay in qof sharaf leh uuna ahayn, mar kale waa kii Ibraahin Gadhle lahaa

 

Maskaxdaadu yay noqon,

 

Maqal lagula leeyahay,

 

Yaan toban muftaax iyo,

 

Lagu furan masaabiir,

 

Waxaad shalayto mudatiyo,

 

Mahadhada xusuusnoow,

 

Halkii qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin,

 

 

W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories