HomeHa il-duufin Garashada‏ - WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”

Ha il-duufin Garashada‏ – WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Yuusuf shaacirDadkeena badankiisu beryahan dambe waxay ku mashquulsan yihiin siyaasadda iyada oo la illaaway arrimihii kale ee muhiimka ahaa. Siyaasadda lafteedu waa ay is dhaantaaye teenu waxay ku meeraysataa ashkhaas iyo hebello la hadal hayo. Qolyaha daraaseeya garaadka bani’aadamku waxay garashada dadka u kala qaybiyaan dhawr jaad oo ay ka mid yihiin:

  1. Dad garaadkoodu xabaarsan yahay isla markaana ka faalloodo mabaadii’, fikrado iyo aragtiyo.
  2. Dada garaadkoodu ku hawlan yahay faallaynta iyo ka-waramidda dhacdooyinka iyo sooyaalka taariikheed ee bulsho, qof ama kooxeed.
  3. Iyo dad garaadkoodu ku mashquulsan yahay ammaanta, dhalliisha, muuqaalka iyo ficillada ashkhaasta kale, kana sheekeeya hebel, heblaayo iyo wixii la mid ah.

Waxaan filayaa bulshadeenu maanta waxay u badan tahay jaadka saddexaad oo ay aqoonyahannadu ku tilmaameen kuwa ugu martabadda hooseeya. Waxaad dareemaysaa in jileyaasha siyaasadda ee had iyo jeer lagu foogan yahay si shakhsi ah loo faallaynayo halkii ay ahayd in lagu kala sooco laguna kala doorto mabaadii’dooda, kartidooda, aqoontooda, wixii ay soo qabteen iyo waxa laga filan karo in ay mustaqbalka qabtaan. Waa halka aan la jecelahay bulshadeenu in ay gaadho, waanan ku rajo waynahay in aynu mar uun gaadhi doono.

Mawduucaygani siyaasad maaha. Waxaan jecelahay in aan wax ka yar taabto arrimo  kale oo mudnaantooda leh.

  1. Muddooyin kan dambe waxaa hoos-u-dhac wayni ku yimi arrin islaamnimada ku ahaan jirtay fadeexad iyo laf-jab taas oo ah caydii diinta, nebiga iyo Ilaahay loo gaysan jiray. Ilaahay ha ka abaal mariyo’e waxa door muhiim ah ka qaatay Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista. Waxay tani muujinaysaa in ururrada iyo xafiisyada wanaagga u midoobaa ay ka awood iyo wax-qabad badankaraan ashkhaasta. Waxay culimadaasi u qalmaan oo ay xukuumadda iyo bulshada kaleba ka mudan yihiin dhiiri-gelin, bogaadin iyo hawlaha ay gacanta ku hayaan oo wax lagala qabto.
  1. In kastoo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin daraasado inoo muujiya heerka ay marayaan mukhaadaraadka ay ka mid yihiin khamriga, xashiishadda iyo qaadku, haddana waxaynu indhaheena ku arkaynaa in ay kor u sii kacayaan, in dad badani ay maalinba ta ka dambaysa balwadahaas ku biirayaan. Haddii ay sii bataan oo ay gaadhaan heer la xakamayn kari waayo waxay innagu keeni kartaa burbur bulsho oo laga soo waaqsan kari waayo sida ku dhacday waddamo badan oo dunida ah. Waxaan u soo jeedin lahaa madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba in la abuuro hay’ad u gaar ah la-dagaallanka maandooriyaha nooc kasta oo uu yahay. Jiilka maanta iyo jiilka berito Labaduba waxay u baaahan yihiin badbaado.Ale ayaa wax badbaashe e.

 

WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories