HomeGuushu cid walba ma Qanciso, Kasbashada Kalsoonida Shacbiguna waa qiimaha iyo abaal-marinta...

Guushu cid walba ma Qanciso, Kasbashada Kalsoonida Shacbiguna waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee loo tartamayo!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

engHanashada quluubta iyo maanka dadweynuhu waa farsamo u baahan hayal-samaan siyaasadeed oo aad u xeerl-dheer taasoo salka ku haysa daacadnimo, runsheegnimo, eex-la’aan, xeer iyo xaq-soor sharci oo loo simanyahay. Helitaanka kalsoonida shacbigu waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ku loollamaya.

Waa dhacdo dabiici ah inaan cid waliba ku qanaci doonin horumarka bulsho iyo wax-qabadka uu qaranku ku tallaabsado, guushuna cadow badan ayay leedahay. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo inay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo la kulanto carqalado iyo xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Shaki kuma jiro in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin. Qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u qiri karaa. Waxa kale oo ay Xukuumaddu dedaal dheer ugu jirtaa hirgelinta iyo ka rumaynta hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin ummadda Jam.Somaliland kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan, kana mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba.

Horumarka iyo guulaha ay Xukuumaddu gaadho waxa carqalad ku ah kooxo iyagu mar walba u tafo-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo ay Xukuumaddu xagga wanaagga u qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno, hab-dhaqanka noocan ah oo malaha ay u arkaan inay danahooda gaarka ahi ku jiraan.

Haddaba, haddii ay Xukuumaddu guud ahaanba ku qanac-santahay dedaalkeeda iyo wax-qabadkeeda illaa hadda, haddii ay Xukuumaddu rumaysan-tahay inay u heellan-tahay oo ay wado sida dalka iyo dadkaba dan u ah, waxaa lagama maarmaan ah in ay Xukuumaddu si cad u difaacato horumarka iyo wax-qabadka ay la timid.  Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa la gudboon inaanay taageerada shacbiga u qaadan  mid aan weligeed isbeddelayn oo abadiya ah. Xukuumaddu yeyna u qaadanin in ummadda oo dhammi ay aaminsan yihiin fikir la mid ah ka ay Xukuumaddu aaminsan tahay.

Xukuumadda waxa la gudboon inay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay shacbiga JSL si miisaan iyo mugba leh ugu gudbin lahayd in horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumaddu ku tallaabsato ayna cidina gaar u lahayn balse iyagu (shacbiga) ay yihiin kuwa leh horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waa inay si dhab ah uga hawl-gashaa inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin. Xukuumaddu ha ka feejignaato aafada ay shacbiga dhexdiisa kula wareegayaan Siyaasiyiin iyo kooxo iyagu dan gaara leh, kuwaasoo aan garanaynin waxay ka gadayaan bulshada, kuwaasoo aan hore loo hubinin dal-jacaylkooda, dareenkooda-waddanimo, u-dhamqashada shacbiga iyo sida ay danta-guud-u-daryeelayaan midnabaKooxahani waxay dedaal joogto ah ugu jiraan in guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac.

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada wax-qabad ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo. Shacbiga oo qira kuna qanca waxqabadka iyo qaabka ay Xukuumaddu dalka u maamulayso waa guusha iyo haybadda ugu sarraysa ee uu hoggaamiyuhu ka heli karo ummaddiisa. Waxa lagama-maarmaan ah in la difaaco hurumarka, hiigsiga iyo himilada ay ummaddu leedahay. Sidaa daraadeed, Xukuumaddu ha ku dhiirrato inay si cad u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somalilandoo dhan ayaa Guulaystay.

Shacbigana waxa ku waajib ah inay runta iyo xaqa u hiiliyaan oo ay Xukuumadda ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto ka rumaynta himilada ay ummaddeenu leedahay. Sidoo kale waa in shacbigu aanay marnaba ka gabban toosinta iyo taakulaynta wixii Xukuumadda ka qalloocda. Shacbigu ha ka gudbaan u habrashada qabiilka ee dabarka iyo hoggaanka ugu xidhay nin ama koox qalloocan oo hayb-qabiil lagu taageerayo, kaasoo haba yaraatee aan dantooda innaba wadin inuu iyaga ku danaysto mooyee.

 

Allah ayaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories