HomeGuusha Xulka Badhan Oo Wax Weyn Ka bedeshay Rajada Cidda Usoo Bixi...

Guusha Xulka Badhan Oo Wax Weyn Ka bedeshay Rajada Cidda Usoo Bixi Doonta Wareega Sideed-dhammaadka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Waxaa maanta la ciyaaray kulamadii  todobaad ee tartanka gobolada Somaliland ee ka socday garoomada Xaaji Dahir Stadium iyo Alamsey Stadium oo ku kala yaala magaalooyinka Boorama iyo Burco uga socda wareega kowaad ee isreeb reebka  tartanka koobka gobolada Somaliland,waxaana kulamo adag ciyaaray Maroodi Jeex iyo Awdal oo isku haleelay Xaaji Daahir Stadium halka Daad-Madheedh ay Alamsey Stadium kula ciyaartay kooxda gobolka Badhan.

Kulanka kooxda gobalka Daad-Madheedh vs Kooxda Gobalka Badhan Siduu ka Dhigay rajadda Cidda ka soo baxaysa Guruubkaas:

Kooxda gobalka Badhan ayaa guul muhiim ah ka gaadhay dhigeeda daad-Madheedh iyada oo badhan gool kaliya oo ay guushan ku gaadhay la timid dhamaadkii kulan adag oo Alamsey Stadium ku dhexmaray kooxahan. Group-ka ay kuwada jiraan Badhan, Daad-Madheedh, Xaysimo iyo Togdheer ayaa noqday mid aan la saadaalin karin cida soo bixi doonta basle Xaysimo ayaa ah kooxda ilaa hadda fursada ugu fiican haysata.

Kulankan oo ka mid ah kulamada ugu danbeeyay ee tartanka gobolada Somaliland qaybtiisa Alamsey Stadium ka socotay ayaa dhex martay kooxaha gobolada Daad-Madheedh iyo gobolka Badhan.

Daad-Madheedh ayaa hore u haystay afar dhibcood iyaga oo guul ka soo gaadhay kooxda gobalka Togdheer halka ay hore barbaro ula soo galeen kooxda Xaysimo, sidaa daraadeed Daad-Madheedh ayaa kulankan uga baahnayd barbaro kaliya si ay sideed dhamaadka ugu soo baxdo laakiin kooxda gobalka Badhan ayaa kulankan ku qasbanayd inay guulaysato si ay baaqi ugu sii ahaato tartanka gobolada Somaliland.

Badhan ayaa hore guuldaro ugala soo kulantay kooxda gobalka Xaysimo halka kulankeedii kale barbaro la gashay kooxda gobalka Togdheer waana sababta ay Badhan kulankan ugu qasbanayd inay guul gaadho. Laakiin qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda gobolka Badhan ka go’nayd inay ciyaarta wax ka badasho haka kooxda Daad-Madheedh oo barbaraha ku soo baxaysay ay inta badan difaac ku ciyaaraysay, laakiin ugu danbayn kooxda Badhan ayaa heshay goolka ay kulankan guusha ku gaadhay kadib markii kubbad dhexda laga soo tuuray oo bood boodaysaa ay si lama filaan ah ay uga baxsatay gacmaha goolhayaha Daad-Madheedh ee Niciim kaas oo hore fursado badan u badbaadiyay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Badhan hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay iyada oo kooxda Daad-Madheedh bilawday inay dhamaadkii ciyaarta weeraro ay barbaraha ku raadinayso qaado laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay kooxda Badhan ku garaacday kooxda Daad-Madheedh oo daqiiqado u jirtay inay u soo baxdo wareega sideed dhamaadka tartanka gobolada Somaliland.

Guusha ay Badhan gaadhay iyo guuldarada soo gaadhay Daad-Madheedh ayaa wax wayn ka badashay rajada kooxaha u soo bixi kara wareega sideed dhamaadka gobolada Somaliland gaar ahaan Group A qaybtiisa Burca ka socota. Kooxaha Daad-Madheedh iyo Badhan ayaa min saddex kulan ka helay afar dhibcood halka Xaysimo iyada oo uu kulan u hadhsan yahay ay leedahay afar dhibcood, Todheer oo Xaysimo la ciyaari doonta ayaa haddii ay guulaysato Groupkan ka dhig karta inay min afar dhibcood yeeshaan laakiin barbaro ama guul ay Xaysimo gaadho ayaa u horseedi doonta inay tigidhka u goostaan Hargaysa Stadium oo lagu qaban doono wareega sideed dhamaadka.

Kala saraynta Group A ee tartanka goblada Somaliland qaybtiisa Togdheer:

  1. Daad-Madheedh = 4 dhibcood iyo saddex kulan
  2. Badhan =4 dhibcood iyo saddex kulan
  3. Xaysimo =4 dhibcood iyo laba kulan
  4. Togdheer = 1 dhibic iyo laba kulan

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories