HomeGUURRIHII HABEENNIMO W/Q: MOHAMED HASSAN DAACAD

GUURRIHII HABEENNIMO W/Q: MOHAMED HASSAN DAACAD

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hore ayaa loo yidhi; “ Nin aan dhul marinni,dhaayo la’ ”. 12-kii Bishan aynu ku jirno ee March,ayaa waxa aan safar habeennimmo ah kaga baxnay Magaaladda Hargaysa,annaga oo u sii jeednaa Degmadda Sallaxley iyo deegaamadda hoos-yimaadda.Ujeedka safarkan ayaa waxa aan ku wehelinayay Guddi loo xil-saaray gurmadka dadka ay abaaraha ba’anni ku dhufteen ee deegaamaddaas ku nool,kuwaas oo aad indhaaga ku arkaysid raadka ay abaartu ku reebtay iyo saamaynta dhaqan-dhaqaale ee ay ku yeelatay.

Safarka habeenkii la galaa,waxa uu gabbi-ahaanba si weyn uga duwan-yahay ka maalintii la gallo,waana sababta ugu weyn ee keentay inuu safarkaasi saamayn igu yeesho iigana duwanaaddo safarro  badan oo aan ku tagay Gobolo iyo degmooyin badan oo
Somaliland ka tirsan.Intii aan safarkaas ku jirnay oo ahayd xilli habeen-nimmo ah,ayaa waxa aannu marnay dhul aad u balaadhan,kaas oo teedsan Xuduudadda Somaliland iyo Deegaanka Somalidda ee Dalka Ethopia.Deegaamaddaas waxa si  si weyn u saamaysay abaar aad u darran,waxaana intaas u dheer Kulaylka cad-cadeed oo aanay jirin geed ay dadka iyo Xooluhuba ka hadhsaddaan,waxaanay dadka deegaanku ii sheegeen inuu dhulkanni ahaa mid hoddan ku ah dhinaca Dhirta iyo Kaymaha Waaweyn,balse ay jareen dhuxulaysato aan u aabbo-yeelayn Qiimaha ay Geeduhu u leeyihiin Nolasha guud ahaan,waxaanay dadkaas aan la kulmay intaas iiggu dareen in ka dib markii la gooyay dhirtii uu deegaanku caanka ku ahaa ay taasi sababtay in xaaluf balaadhanni deegaanka lasoo darso,isla markaasna aannay Biyuhu dhulka ku nagaanahayn oo ay dhaafayaan,maadaama aanay jirin Geedo dhulka biyaha u qabtaa.Waxyaabaha kale ee ay dadkaas ii sheegeen inay deegaanka saamaynta  taban ku leeyihiin waxa ka mid ah;Waddooyin badan oo loo yaqaanno Waddo-baabuur,taas oo ay samaystaan Gaadiidku oo iyana keenna inay biyuhu racaan jeex-jeexyaddaas uu taayirka gaadhiggu sameeyay,waxaanay sheegeen in Baabuurtaas ay ugu badan yihiin kuwo dhuxusha soo gura oo hab-koora-baan ah uga soo baxsadda Kaantarooladda ay Ciidamaddu  joogaan.

Waxyaabaha aadka aad uga naxaysid ee ay indhaaggu qabanayaan,ayaa waxa kaloo ka mid ah;inaad ku arkayso Tuulooyinka Iyo Degmooyinkaba dhamaan Raggii Xoollo-dhaqatadda ahaa oo u wada fadhiya Qaad,isla markaasna dhamaantood ku wada-jira Fadhi-ku-Dirir,halka haweenkii iyo caruurtiina ay la hal-gamayaan dhaamkii reerka iyo Ilaalinta Xoolaha.

Mid ka mid ah Tuulooyinka aannu tagnay,ayaa waxaannu galnay 3:30-kii Habeennimo,waxaana aannu ugu galay goob Dukaan iyo Maqaaxi iskugu jirtay ugu yaraan 60 Qof oo wada rag ah oo qayilaya,isla markaasna aannayba kaba muuqan Masuuliyad Qoys-nimmo iyo Mid Nafeedba.Raggaas waxa ku jiray Dhalinyarro,kuwaas oo ay qaarkood da’doodu ka yartahay 14 Sanno,kaas oo ag fadhiya Oday 60 Jir Kor-u-dhaafay.Markii aan dadka qaar weydiiyay sababtaay siddaani u dhacday,waxay ii sheegeen in aannay dhacdo ugub ah ahayn oo aad arkayso Wiil iyo aabihii oo maqaaxi ku wada qayilaya.Ma aha oo kali ah Qayilaaddu Habeenkii oo kali ah,waxaannu 9:30-kii Subax-nimmo soo galnay Deegaan kale,waxaanan la kulanay goob aad weyn oo Meherro Ganacsi ku yaallaan oo ay ku qayilayaan Baddiba Wax-garadkii Deegaanku oo ay Tiradoodu aad u badan tahay.

Lasoco……
W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email;Daacad461@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories