HomeGurgurshaa maad iinoqon? – W/Q: Guuleed Cumar Madar

Gurgurshaa maad iinoqon? – W/Q: Guuleed Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuleed MadarJecliyaa inaan hanto ummad wada gurgurshaa ah ama gurdowalaaq , jecliyaa ragg sida ratiga xoogga leh hayin ah oo aan saarto gurgurka iyo maxasta, oo maalinka aan haa-kax ka idhaa aan aayar siyaroo dhib yar layna dareemin kala dago macdanta anoo waliba maraya gu’soore , jecliyaa in dadkoo idil ii noqdo guruf sida qolofta qaraha marka buruqda laga cuno .

Waayahan dambe gurxan baan maqlayaa oo waxaaban is idhi malaha way caqliyaysteen mase aaminsani inay wax is badalayaan,waayo? nin guudfuula oon is-idhaa xakama la’aan ayuu kugu soo fuuli qasrigaaga idinkumuu jirin.

Gaaggurka intiinii garaad leh jecliyaa inaan ka gaagixiyo, anna aan ku gaamuro.ood tidhaahdaan goortaan geed gaaban idinkaga soo baxo waakan ki gaannanaa.dabeetana gabigiinuba aad ii gaardidaan.

Waxa aan la yaabay ! haddaan tago madal il-yartu is qabatay oo lagu lafo gurayo arrimaha diinta , ugu yaraan toban gurgurshaa ayaad arkaysaa oo hoos yaacaya sheekha madashaa ka jeedinaya muxaadarada. Haddii aan tago madal lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda , waxa aad arkaysaa boqolaal kaaba qarinaya kii aad ka dhagaysan lahayd dhawr qodob oo toggan. Haddii aan tago madal ay ku dhaantaynayaan dhalinyarada hibada u leh sugaan teena hodanka ah , waxa aan arkaa kumannaan ku gaddaaman halyayga aan rabay inaan fiirsado .

Ummadaha aduunka inagula nool qof waliba waxa uu qabsadaa hawlihiisa guud iyo danihiisa gaarka ah , lagama yaabo inuu daf yidhaa sida daadka shaqo aan looga baahnayn. Waxa aan u aqaana ma xishoode nin ragga oo la dhacsan in uu dadka hoos-boodo oon kaligii meel is-taagi karrayn, isagu isma waydiiyo muxuu faa’iido ku qabaa inuu raxleeyo ?isma waydiiyo dadka goobta jooga ee ku arkayaa siday kuu arkaan? Haddii uu ogyahay in loo yaqaano shimbir dabayshu waddo waa uu iskaga hadhi lahaa , waxa se uu arkaa boqollaal noociisa oo kale ah oo uu booska ka cidhiidhsanayo, isna bar-bar yaacayaan.

Madal ballaadhan oo dano gaar ah lagag hadlayo amma guud , qofka isaga oon waxba ku magacawnayn inta uu is taago dadka hor maraya labadii daqiiqoba hal mar , macnihiisu muxuu yahay ? Ma in la ogaado in uu madasha jooga uunbaa ?Ma in uu hawlahaa laciifka ah ee uu dadka is-tusayo uu caan ku noqdo miyaa ? Garan waayay anuu oo kun iyo kaw jeer u xishooday dadka dhaqanka caynkaas leh una saaxiibka ah.Malaha waxa wanaagsanyd qofka caynkaas ah in aynu shaqo u abuurno! layaabku se waxa weeyi goob uun kuma koobna shakhsiyadda noocan ihiye goor wal iyo goob walba waad arkaysaa isaga oo dhaqankiisan huwwan.

Yaraantii marka lagu jirro dugsiga waxa uu lahaan jiray fasal waliba hor-jooge .hor-joogahaas mararka qaar waxa magacaabi jiray maamulaha fasalka ,mararka qaarna waxa jiray arday ardayda ka mid ah oo isagu iskii isku magcaaba hor-jooge , kaa isagu iskii isku magacaabay waxaa la odhan jiray Is-qor ardayduna may karraamayn jirin kamanay dambayn jirin oo looma ixtiraami jirin sida loo ixtiraamo ama looga aamuso hor-joogaha maamuluhu magacaabay una xil-saaray fasalkaa.

Haddaad tahay shakhsi jiritaankiisa dambe u tudhaya waxa aadka dheeraataa dhaqankani inaad ku sifawdo . Noqo mid kartidiisa muujiya madasha looga baahanyahayna gutana xilka ka saaran goobtaas .

Hadaad shaqaale tahay ood u haysato marka qofkan aad u shaqaynayso iska dhaadhiciso in joogitaankaagu sii dheeraanayo ,waad habaabtay!Sharaftaadii hoos ayaad u dhigtay , waxa aad dareensiisay cidda aad u shaqaynayso in aanad waxba ahayn , isaguna maalinka uu kaa dareemo in aad dhulka taalo ,lagama yaabo in uu kuu tudho ! waa uu kugu dul socon.

Hana gaabin aadna ha uuga dheerayn in aad gudato xilka iyo masuuliyadda ku saaran, waa halbeegga nolosha in aanad dhinac u dheeliyin , Adiga ayaa hoggaanka u haya in aad noqoto mid aan waxba layskaga tirin iyo in aad noqoto shakhsiyad karraamo leh .

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com.

Frankfurt, Germany.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories