HomeGunaanadka Hawsha Dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa oo Mar kale la Muddeeyey iyo Jawaab...

Gunaanadka Hawsha Dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa oo Mar kale la Muddeeyey iyo Jawaab Wasiirka Duulistu ka Bixiyey Dhaliil loo jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland,  Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta dhagax dhigay wejigii u dambeeyay ee dib u dhiska iyo casriyaynta madaarka magaaladda Hargeysa, ayaa mar kale muddeeyey hawsha gebo-gabada casriyeynta madaarka Caasimadda.

Wasiir Maxamed Xaashi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Axmed Dalal Faarax oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay madaarka Hargeysa oo hawlaha dib-u-dhiska iyo Casriyeyntu ka socoto, waxa uu sheegay in hawsha dib-u-dhiska madaarku ay dhammaan doonto Bisha June ee Sannadkan.

 Duulista hawada“Madaarrada Somaliland way badan yihiin haseyeeshee, daraasad aanu samaynay dabadeed  waxaanu go’aansannay labada garoon ee ugu waaweyn inay u mudan yihiin in laga bilaabo waxqabadka, mashruuca waxaan u qaybinay laba qaybood oo isle’eg, garoonka Hargeysa waxaanu ugu tallo galnay dhabadda (Run-waygii) hore ee ka koobnaa 2km iyo 400m in lagu sameeyo dib-u-dhis, Runwaygaa waxa la dhisay 1958, waad garan kartaan wakhtiga laga joogo, mashruucan Kuwait ma ahee muddadii xukuumadani jirtay wax wayn ayay ka qabatay madaaradda dalka gaar ahaan madaarka Hargeysa ka Berberna wax badan ayaa laga qabtay,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadu.

Maxamuud Xaashi waxa uu jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay siyaasiyiin mucaarid ah oo ku eedeeyay inuu musuqay mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa, “Dad badan oo war-xumo tashiila oo aan xog ogaal ahayn ayaa yidhaahda mashruucii waa fashilmay oo wayska xidhan yahay garoonkii oo wax ka socda aan ogayn oo baadhitaan rasmiya oo aan ku dhisnayn xaqiiqada run-na aan ahayn. bini ‘aadanku marka uu wax sheegayo waxay ku qurux badan tahay inuu wax uu hubo sheego, markaa mashruucan waxaan rumaysanahay inuu najaxayo oo uu noqon doono talaabo wayn iyo horumar wayn oo ku soo kordhay dalka garoonka caasimadana ka dhigo doono garoon casriya,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Madaarka HargeysaDabayaaqada Sannadkii hore ayaa saraakiil ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo Hawada ay dhammaadka hawlaha dib-u-dhiska madaarka caasimadda u muddeeyeen bisha saddexaad ee sannadkan, iyada oo wakhtigaas ay ka jawaabayeen dhaliilo loogu jeediyey geeddi-socodka dhismaha madaarka oo gaabis noqday.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories