HomeGummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !

Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Debis, waa magaalo ka tirsan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, waxaana ay ku dhawaad 90KM koonfur bari kaga beegantahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Magaaladani waxa ku nool dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira, waxaana juquraafi ahaan magaaladani ay tahay buuraley.

gurmadDeegaankan ayaa waxa ka hirgalay mashaariic dhanka horumarinta ah gaar ahaan ilaalinta deegaanka, kuwaasi oo dib loogu soo noolaynayo dhirtii dhimatay iyo kuwo cusub oo dib loo beerayo si loo ilaaliyo deegaanka, iyadoo halkaasi laga dhisay Dhaamam iyo Barkado lagu keydiyo biyaha si loogu waraabiyo dhirta halkaasi laga beeray isla markaana ay dadka deegaanku ka faa’idaystaan.

Mashruurcan oo ay hirgalisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SDF. Waxaana mashruucani uu noqday mid dadka deegaanku ay si wayn uga faa’idaystaan isla markaana ay ka helaan shaqo-abuur iyo deegaan wanaagsan oo cagaaran.

Cawil Cabdi Xayd oo ah madaxa mashruuca seeraha Debis ayaa sheegay in deegaanka mashruucani laga hirgaliyay uu ka kooban 23-KM oo isku weer ah, iyadoo hadda la doonayo in laga dhigo mid gebi ahaanba cagaaran isla markaana ka badqaba aafada xaalufinta deegaanka, sida garaacista dhirta iyo wixii la mid ah.

Dhirta haatan laga beeray deegaankan ayaa waxay ka koobanyihiin; Qudhac, Maraa, Galool, Qansax, Cadaad iyo Sogsog – sida uu markale sheegay Cawil Cabdi Xayd.

Deegaankan haatan laga hirgaliyay mashruucan dhiraynta ayaa waxa uu ahaan jiray deegaan dhirta lagu kobciyo kaddibna loo qaybiyo gobollada waqooyi ee dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, dadka deegaankan oo intooda badani ahaa kuwo dhirta garaaca isla markaana dhuxul ka sameeya si ay nolol maalmeedkooda ugala soo baxaan ayaa waxa haatan intooda badani ay joojiyeen garaacistii dhirta iyo xaalufitintii deegaanka, iyadoo markii mashruucan la bilaabay uu shaqo abuur badan ka dhashay isla markaana ay halkaasi shaqo badan ka heleen dadkii dhuxusha garaaci jiray.

“Anigu waxaan kamid ahaa dhuxulaysatadii ama dadka dhuxusha garaaca imikana waxaan ahay nin mashruucan ka shaqeeya oo wasaaradda deegaanka u shaqeeya” Sidaasi waxa yidhi Khadar Maxamed Cawaale oo mashruucani ka faa’idaystay isla markaana kamid ah shaqaalaha joogtada ah ee haatan mashruucaasi ka hawl-gala.

Ugu dambeyntii, dadka deegaanka ayaa waxa ay codsadeen in loo dhiso goobo waxbarasho iyo caafimaad maadaaama deegaanku aanu lahayn goobo  waxbarasho iyo caafimaad. Waxayna codsigooda usoo jeediyeen hay’adda SDF iyo xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, dadka deegaanku waxa ay codsadeen in loo kordhiyo tirada shaqaalaha mashruuca ka hawl-gala, maadaama haatan ay shaqaaluhu ku yaryihiin.

 

W.Q: Khaalid Foodhaadhi

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories