HomeGummaadkii Gebilay iyo Tog-wajaale - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 6aad

Gummaadkii Gebilay iyo Tog-wajaale – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 6aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankBishii Maarij ee sannadkii 1988-kii ayaa 25 qof oo laga soo afduubtay Gabiley iyo Tog-Wajaale ay Maxkamaddii Wareegaysay ee Ciidanku ku xukuntay xabsi abadi ah. Dadkaasi idilkoodba waxay ahaayeen dad rayid ah, waxa se la saaray Maxkamad Ciidan.

Isla maalintii ayaa xukunkii loo beddalay dil toogasho ah, isla maalintii ayaana toogashadii la fuliyay. (HRW, a government at war with its own people, bogga 66aad).

Bogga 67aad, warbixintu waxay ku sheegtay in nin gaadhi watay ay ciidanku Afweyne gaadhigiisii ku joojiyeen meel ku dhaw Xabsiga Weyn ee Hargeysa, ka dibna ay ku amreen inuu ku wareejiyo furaha gaadhiga. Ninkaasi wuu diiday inuu furaha wareejiyo, isla halkii ayayna ku toogteen.

Isla boggaas, warbixintu waxay sheegtay in nin la odhan jiray Aw Axmed Daa’uud Yuusuf ay ciidankii Afweyne ka qaadeen lacag gaadhaysay 2,000 oo shilling, kolkii uu ciidankii kula gorgortamay lacagtiisana ay isla bartii ku toogteen.

Waxay ahaayeen budhcad shaadh dawladeed u soo xidhatay si ay wax ugu dhacdo, ugu boobto oo ay ugu bililiqaysato.

Nafta basharka ee qaaliga ah, waxay gaadhsiiyeen heer uu qiimaheegu hoos maro furayaasha gaadhiga. La yaab ma noqonayso haddii aad maqasho in qof bani-aadan ah ay ku dileen midh xanjo ah.

In loogu aargudo weerraro guuldarraystay oo ay ciidankii Afweyne ku qaadeen SNM ayaa ahayd sababta loo gummaaday 25kaas qof (Ibid).

Kolka loo eego indhaha dawladda, wax farqi ah uma dhaxayn qofka Isaaqa ah ee dawladda taageersan iyo ka la dagaallmaya. Qof kasta oo Isaaq ahi waxaa loo dilayay aanada SNM, askari kasta oo ay SNM dishana waxaa loogu aarayay qof shacab ah oo magaalooyinka iska jooga.

25-kaas qof waxa ku jiray aabbe iyo labadiisii ciyaal ahaa, waxaana lagu toogtay tuulada Gaas-dheere. Akhriso magacyadoodii:

1. Sh. Ciise Yuusuf Good
2. Maxamed Cabdi Xawsi “Jawaan”
3. Maxamed Cabdi Koofil
4. Dagaal Dhinbiil
5. Muxumed Sahal
6. Kalinle Cashuur Raage
7. Muxumed Gurey Mixille
8. Xuseen Amiir Faarax
9. Mawliid Xuseen Amiir (Ninka sare inankiisii)
10. Cali Xuseen Amiir (Ka sare walaalkii)
11. Haybe Gurey Xasan
12. Siyaad Isaaq Xaaji
13. Aadan Cali Ibraahin
14. Cabdillaahi Jaamac Caqli
15. Xaaji Xasan Abraar
16. Barre Muxumed
17. Saleebaan Diiriye Xirsi
18. Maxamed Cali Samatar
19. Siciid Xasan Deeqsi
20. Ardaale Warsame Faarax
21. Aw Cali Sahal Taani
22. Cabdi Sahal Tani, (ka sare walaalkii)
23. Cabdi Maxamed Sahal (Ka sare ayaa adeer u ah)
24. Shamah Elmi Fahie
25. Daa’uud Qawrax

Tixraac:

Human Rights Watch, a government at war with its own people, bogga 66 – 67aad, iyo lifaaqa 5aad.

 

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories