HomeGumaystihii ugu horeeyey ee dhulka Soomaalida yimaadda - W/Q: Cali Coomay

Gumaystihii ugu horeeyey ee dhulka Soomaalida yimaadda – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Sanadkii 1870 ayey ciidamadii masar oo wakiil ka ahayd boqoryooyadii cusmaaniyiinta ay xoog ku qabsadeen dhulka xeebaha ku teedsan sida, TOJORA, SAYLAC, BULAXAAR, BERBERA, KARIN, MAYDH, XIIS IYO LAASQORAY. Markaa gumaysigii ugu horeeyey wuxuu ahaa boqortooyadii cusmaaniyiinta. Dadyowga reer somaliland oo caan ku ahaa gumaysi diidka ayaa markiiba dareen cadho leh ka muujiyey shisheeyahan dalkoodi xoog ku qabsaday, balse markii dambe ayey boqortooyadii cusmaaniyiintu xeelad sameeyey laba waji leh.

Ta kowaad waxay ahayd waxay markiiba dadkii deganaa magaalooyinka ugu baaqeen inay yihiin dawlad islaam ah, oo meesha u timid inay dadka baraan diinta islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka. Ka dib arrintaasi waxay keentay inay qalbiga u qaboojiso dadkii saska ka qabay shisheeyaha.

Ta labaad waxay ahayd wuxuu  ahaa inay bilaabeen mashaariic horumarineed oo ay ka mid ahaayeen, dhismo guryo, maasjidyo, biyo galin iyo dugsiyo diinta lagu barto. Labadaa arrimood ayaa keenay meesha ka baxdo cabsidii laga qabay shisheeyaha islamarkaana aaminaan boqortooyadii. Dadkii reer somaliland ee xeebaha deganaa waxay walaallo muslim ah ka dhigteen ciidamadii masar ee dalka joogay iyo waliba maamulayaashoodii.

Sanadkii 1884 ayey ciidamadii masar ka baxeen gebi ahaanba dhulkii somaliland gaar ahaan, xeebihii oo ay hore u qabsadeen. Sababta ku kaliftay bixitaankan waxay ahayd culays kaga yimid dalkoodii iyo cabsi ay ka qabeen inuu xoogaysto, maxamed al-mahdi oo dagaal kula jiray dawladii masar. Ka bixitaankii dawlada cusmaaniyiintu ka baxeen xeebihii somaliland waxay fursad u siisay dawladii ingiriiska inay qabsato xeebaha somaliland. Boqor xabashi ahaa oo itoobiya xukumayey wuxuu isna qabsaday magaalada Harar iyo ilaa jig-jiga. Markaa gumaystihii labaad wuxuu ahaa ingiriis.

Sanadkii 1885 ayuu ingiirisku  qabsaday magaalooyinka saylac, waxaanu ciidan xoogan geeyey xarumihii ay deganaayeen ciidamadii masar. Sanadkii 1883 ayuu faransiisku qabsaday magaalada OBOKH wuxuuna heshiis la galay suldaankii cafarta ee wakhtigaasi ka talin jiray xeebta jabuuti.

Sanadihii 1886 ilaa 1888 wuxuu ingiriisku dhamaystiray qabsashada saylac ilaa laasqory. Ka dibna wuxuu heshiis gaar gaar ah la galay qabaa’ilkii deganaa xeebaha somaliland oo kala ahaa:

  • Saylac; Wuxuu Heshiis Kula Galay Beelaha Mamaasan  
  • Bulaxaar; Wuxuu Heshiis Kula Galay Beelaha Reer Gadiid, Cabdalle Sacad Iyo Cismaano.
  • Berbera; Wuxuu Heshiis Kula Galay Beelaha Nuux Ismaciil.
  • Maydh Iyo Xiis; Wuxuu Heshiis Kula Galay Beelaha Muuse Carro Iyo Uduxmiin
  • Laas-Qoray; Wuxuu Heshiis Kula Galay Beelaha  Bah-Majeerteen.

Dhamaan qabaa’ilkani waxay deegaan u lahaayeen xeebaha, waxayna maamulayeen dekedahaa yar-yaraa.

Sanadkii 1908ayey dawladii talyaanigu qabsatay bosaasso ilaa kismaayo waxayna heshiis la galay boqorkii jasiirada sansibaar oo la odhan jiray Barqash Binu Said oo xukumayey xeebaha banaadir .

Waxa kale oo talyaanigu heshiis la saxeexday boqorkii Ajuuraanka oo meelo ka mid ahaa muqdisho ka talinayey.

  • Boqor Cusmaan oo maamulayey dekeda bosaasso ayaa gacan soo dawayna u fidiyey dawaladii talyaaniga markuu qabsaday xeebaha gobolka bari ee soomaalya.. wuxuuna ahaa Majeerteen/Cismaan Maxamuud
  • Suldaan  Yusuf Keenadiid oo maamulayey hobyo ayaa sidoo kale soo dhaweeyey talyaanigii. Taasi bedelkeeda ayuu talyaanigu siiyey hub fudud, oo lagu ilaaliyo xarunta suldaanka yusuf keenadiid. Wuxuuna ahaa Majeerteen/Cismaan Maxamuud.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A of arts in journalism

Hargaysa, somaliland

Xigasho

= pastoral democracy……….I.M. lewis

= Somali study materials…….. Lane. K. Moore.

= the Somali republic and African unity NFD……MOE

= Taariikhda ummadda soomaaliyeed…….. cali jaamac qalinle

= Taariikhul- ardul –soomal……………………… Said binu Saalax( Arabic version)

= Somali history and culture………….. prof. Said M. Khayr

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories