HomeGUDOOMIYE XISBIGA WADANI IYO GUDOMIYAHA XISBIGA UCID , COLAADA U DHAXAYSAA MAXAY...

GUDOOMIYE XISBIGA WADANI IYO GUDOMIYAHA XISBIGA UCID , COLAADA U DHAXAYSAA MAXAY TAHAY ,YAA GARDARAN YAASE GAR LEH ??

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Mushkiladaha ay siyasadu leedahay ayaa wax ka mid ah in ay kala kaxayso,isla markana ay kala fogayso ,kalana Irdhayso Saxiibo is-jeclaa wakhti aad dheer , waya badana isla soo maray waxaa marag madoona in siyasada Afrika sideedaba ay tahay mid is Rogrog badan sida Dabayshana ,oo hadba dhan kaga imanaysa .waxaana sabab u ah waa Siyasad ku Salaysan Qabiil iyo Qabyalad ,isla markana aan ku salaysnayn Mabadii ,waana ta markasta keenaysa isku dhaca fara badan .

Sideedaba Siyasad waxa aan u haystaa in ay tahay, Xarfad iyo Xeelad loo maraayo Isku hagaajin iyo isku hayn Dalka iyo Dadka aad masuulka ka tahay , waxa kaloo Qofka Siyaasigii uu u bahan yahay in uu is-wafajiyo dhawr arimood oo is diidan iyo in uu hogamin karo Siyaasiyiin iyo Bulsho kala wada Aragti ah ,kala Diin ah ,kala Af ah, kala Afkaar ah iwm .

Ninkasta amma Qofkasta oo doonaya in uu siyaasi noqdo waxaa waajib ku ah in uu aqoon iyo waya-aragnimo dheerada u leeyahay Xalinta Khilafadka Guud iyo kuwa Gaar ee Bulshada uu madaxda u yahay ,mida kale waa in uu xalin karaa mushkiladaha markasta lasoo darsa ,Siyaasigu waa in aanu noqon Nin Dhibkasta oo cidkale kaga timaada isaguna Batrool kusii shuba ee waa in uu noqdaa Nin dhibtasi si hawl yar u xaliya.

Siyasiga Somaligii waxa uu Nasiib uu yeeshay in uu Hogaamiyo Madaxna u noqdo ,Dad Isku Diin ah,isku Af ah ,Isku Dhaqan ah ,Inan iyo Abtigii isku ah ,balse Nasiib daro inta badan waa ay adag tahay in la helo Siyaasi Kalintaasi sidii loo baahna uga soo baxa kana faa’idaysta Janisyada faraha badan ee Ilahay ku manaystay .Mushkiladaha faraha badanina in ta badan waxabay ka yimadaan isku dhaca Siyasiyiinta Saxiibka soo ahaa, kuwaaso iska horkeena Bulshadii iyo Shacbigii u Sacabo tumaayay.

Eng Faysan Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Gudomiye Baarlamaanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan C/Laahi (Ciro) waxa aanu isbaranay Horaantii Sanadkii 2001 ,xiligaasi oo ahaa wakhtigii la dhisayay Xisbiga UCID ,kasi oo aan Kalin wayn ku lahaa ,kadibna waxa aanu Shirwaynihisii u horeeyay aanu ku Qabanay Hargaysa gaar ahaan Guriga Shaqalaha 18/8/2001 – 20/8/2001 .

Labadasi Siyaasi waxa ay ahayeen Laba Nin oo Saxiib tinimadoodu ay tahay, mid aan is odhan karo way ku yartahay Dadka,waxa ay ahayen Niman Ceeshaw-Milixa,WAXA AY AHAYEEN NIMAN NAFTA ISU HURA ,waxa ay ahayeen Laba Nin oo Cadaw kaliya wada leh ,waxa ay ahayeen Laba Nin oo ka wada yimi wadanka Filand Saxiibna ku wada ahaa ,waxaan dareemi jiray in ay Labadaasi Nin yihiin Laba Nin oo WALAALO AH , aad ayay u yar tahay in aad aragto Laba Nin oo sida Faysal iyo C/Raxmaan isku ahayeen wakhtigaasi ,Somalidu waxa ay Halku Dhig u leedahay marka ay rabaan Qof in ay Qiimeyaan :- Jid ma la martay ,Jabad ma la Dagtay, ma la Cuntay Jidiin.

Runtii intaasba waan la soo maray Waxa ay ahayeen Laba Nin ee Ixtiraan iyo Qadarin dheerada leh,waxa ay ahayeen Laba Nin oo Salaad Sax ah ,Balanta ku Fican ,masoo koobi karo wanaga ay lahayeen ee ay Saxiibka ku ahayeen Bulshaduna ku taqaanay .

Maanta waxa aan maqlayaa in Labadii Nin ee aan SHarafta iyo Wanaga aan ku ogaa ay maanta u eegyihiin kuwo ,si xad dhaafa isaga soo hor jeeda dhinaca Siyasada ,mararka qaarna aad is odhanayso Is-haysad koodu waa mid xad dhaafa,inta badana waxa aan Dareema amma aan maqlaa Faysal oo Cabashoyin aad u badan ka Gudbinaya Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro , ma garan karo si ay wax u jeraan Xaqiiqda ILAHAY ayaa og .

Saxiibadii is jeclaa Dhibatada ka dhex dhacday Halkay ka timi yaa ka masuula:-

1. Ma waxaa wali Raadkisii sii muuqda , Burburkii iyo Khilaafkii Xisbigii Ucid xiligii ay is qabsadeen Maxkamadna isla galeen ,kaasi oo Sababay in ay ku kala tagaan kuna kala fogadaan kadibna ay sababtay in C/Raxmaan Ciro uu samaysto Xisbiga Wadani.

2. Gudoomiye Faysal ,wax badan ayuu ka dhawajiyay in la kala Cadeeyo amma la kala saaro Siyasada Xisbiga Wadani iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Cabdiraxmaan Ciro ,taasoo uu u arkayay Faysal in labadasi Xil ee is barkan ,Ucid ahaan anay ka raali ahayn : isaga oo C/Raxmana uu cadeeyay in Xilkaasi uu ka dagi doono wakhti aan fogayn .

3. Waxaa jira Tageerayaal aad u fara badan oo uu ka mid yahay Musharaxii Madaxwayne Xigeenka Xisbiga Ucid C/rashiid Xasan Matan , oo isaguna kusoo Biiray Xisbiga Wadani ,taas laf teeda waxa ay Dabka kusii shiday Nacayb shiyihii iyo Xanaaqii Xisbiga Ucid .

4. Waxa iyana la hadal hayaa in Xisbiga Wadani uu wada hadal la furo Guruubkii YAACAYDA ahaa ee kasoo Hangagaaray Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, lana hadal hayay markii hore in ay ku biiri doonaan Xisbiga Ucid , balse hade ku Jahaysan Wadani .

Kama sheekayn karro Laba Nin oo Siyasada aad Saxiib wayn ku ahaa, waxa ay hada isaga soo hor jedaan,waayo waxa aan dareemi karaa in Bariba ay isku Mawquf iyo isku Aragti ka noqon karaan wax badan oo ay Maanta ku kala Aragti duwan yihiin .

Hadal iyo Dhamaan Maanta Saxiibadasi waxa ay arintodu maraysaa meel aad u Xasaasi ah, waxa aan maqlayay in xataa Dacwoyin la iska Gudbiyay iyo hadalo ay ka mid yihiin Faysal oo yidhi C/Raxmaan waan WAAN TOOGAN DOONAA HADII …… , waxaana dhici karta in ay imaan karaan waxyabo intaasi kasii Durugsan oo u bahan in iminka la xaliiyo ,si aanay raad kale inoogu yeelan ,waxanay arintaasi ku Haboontahay in aan la isku Daawan Dhibatada kasoo socota Madaxda Xisbiyada Qaran ee waa in si dhakhso ah wax looga qabto .

WA BILAAHI TAWFIIQ

W.Q Qareen / Khadar Ibrahim Aar

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories