HomeGudoomiye-Xigeenka Labaad ee Wakiillada oo Madaxdhaqameedka uga Digay in ay Wadahadalada Ka...

Gudoomiye-Xigeenka Labaad ee Wakiillada oo Madaxdhaqameedka uga Digay in ay Wadahadalada Ka Qaybgalaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Shir-guddoonka golaha wakiilada ayaa madaxdhaqameedka Somaliland uga digay inay ka qayb galaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo maalmaha warbaahinta ku jirtay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Dr Cali Yuusuf ayaa sheegay in wixii wada hadal ah ee lala galayo Somaliya ay xukuumaddu masuul uga noqonayso.

“Barlamaanku waxa uu ogalaaday in haddii shir lala yeelanayo Somaliya ay Xukuumaddu ugu wakiil noqoto, maalmahan waxa soo baxaya hogaamiyo dhaqameedyo leh Soomaaliya ayaanu la shiraynaa, taasina wax meesha ku jiira maaha, xeerna weynu ka dhigannay, waana sharci darro, waxa aan leeyahay hogaamiye dhaqameedadaas arintaas dib ha uga noqdaan, waayo hogaamiye dhaqameedadu waxa ay masuul ka yihiin beelahooda iyo beel kale oo ay jaar yihiin oo ay wax dhex maraan sidii loo nabadayn lahaa, balse arimaha siyaasada Dawlad iyo Xukuumad ayaa u qaabilsan”ayuu yidhi Cali Yuusuf oo u waramay wargayska Geeska-Afrika.

Guddoomiye-ku xigeenka labaad ee wakiilada Somaliland waxa uu sheegay in arintan Muqdisho laga wado oo lacago laga soo diray magaalada Muqdisho.

“Arimahan Muqdisho ayaa laga wadaa, wararka qaarkood waxa ay leeyihiin in halkan lacag loo soo diray, oo lagu kasbanayo Rag la leeyahay tushuush galiya Somaliland, waxa kale oo aynu la soconnaa inay imika wadaan sida 2016-ka ay Doorasho u qaban lahaayeen, heshiiskoodii hore waxa uu ahaa inay qabtaan Doorasho ah (one man one vote), hal qof iyo hal cod, markii ay ku fashilmeen ayey haddana la yimaaddeen sheekooyin ah Madax dhaqameed iyo Beelalha dib ha loo shiriyo”   ayuu yidhi Dr Cali Yuusuf.

Dr Cali Yuusuf,guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu fariin u diray bulshada kala duwan ee Somaliland.

 “Bulshada waxa aan ugu baaqay inay wada hadaladaas been beenta ah ka soo horjeedsadaan, oo aanay maqlin sheekadaas, Somaliland 25-sanno ayey madax banaan tahay, madax banaanideedana wey ku faa’iiday meel ayey ku gaadhay, Ingiriiskana saddex degmo ayaa ictiraafay, inta aan ina ictiraafina sharaf weyn ayey inoo hayaan” ayuu yidhi Dr Cali Yuusuf.

Todobaadadan ayaa waxa soo baxay warar sheegay inuu Turkigu wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u wareejinayo dhinaca madaxdhaqameedka kana wareejinayo dhanka siyaasiyiinta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories