HomeGudoomiye Cirro Oo Dalka Ku Soo Noqday Kana Hadlay Xal U Helida...

Gudoomiye Cirro Oo Dalka Ku Soo Noqday Kana Hadlay Xal U Helida Khilaafka Golaha Wakiiladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa dalka maanta dalka ku soo laabtay kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Gudoomiyaha waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, Xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada iyo taageerayaasha xisbiga.

Salaan iyo soo dhawayn diiran ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu saxaafadda kula hadlay qolka nasashada. Isaga oo ugu horayn ka hadlay u jeedada safarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Maalmihii ugu dambeeyay waxa aan safar ugu maqnaa dalka imaaraadka carabka, safarkaasi oo ahaa mid shaqo, fasax iyo caafimaadba waxaanan ku faraxsanahay in aan dalkaygii si nabad ah ugu soo laabto”

“Shacbi ahaan waxa aynnu jecelnahay qaranimada dawladnimadeena iyo nabadeenna. Xukuumadda Somaliland waxa aan ugu baaqayaa ciddii ay xidhay in ay xabsiga ka sii deyso haddii ay noqoto madax dhaqameed, wariyayaal iyo haddii ay yihiin shacbi kale” Ayuu guddoomiyuhu yidhi.

Sidoo kale Mudane Cirro waxa uu ka hadlay halkii u ku dambeeyey murankii golaha wakiiladu, waxaana uu sheegay in ay dhammeysanayaan wixii khilaaf ah oo soo dhex galay isla markaana aan baahi loo qabin cid dheeraad ah oo dhexdhexaadisa waxaana uu yidhi “Waxaan shacbiga reer Somaliland sidii aan horeba uga raaligaliyey aan imikana uga raaligalinayaa arrintii yarayd ee golaha ka dhacday maadaama oo aan odaygii golaha ahay. Waxaana aan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu goluhu dhamaysanaayo, aniga iyo gudoomiye xigeenka koowaadna hawshaas annaga ayaa dhamaysanayna, gudoomiye xigeenkaygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto. Waan saamaxay wixii kale ee dhimmanna annaga ayaa dhammaysanayna cid aannu u baahanahay in ay hawshaas soo fara galisaana ma jirto”.

 

Ugu dambayntii, gudoomiye Cirro ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay culayska ka qaaddo magaalada Berbera oo uu sheegay in ay xukuumaddu saartay cadaadis aannay qaadi karin waxaanna uu yidhi “Waxaad moodaa in ay xukuumaddu si gaar ah culays aannay qaadi karin u saarayso magaalada Berbera mana ah in magaalada la saaro culays aannay qaadi karin, laakiin culayskaasi waa mid ka jira dalka oo dhan”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories