HomeGudoomiye Cirro iyo  Baashe Waa Saaxiibo isku dheer, Haddi ay Maanta is...

Gudoomiye Cirro iyo  Baashe Waa Saaxiibo isku dheer, Haddi ay Maanta is yara Riix-riixeen Berrina way wada Qadayn doonaan iyaga oo Saaxiib ah!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 Waxaa dad badani ay ilowsan yihiin in Qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay Qaran Qaangaadh ah oo Dimuqraadiyadiisu ay tahay mid ay ku duxday muwaadin kasta oo Somalilander ah, taasi oo Dalkeena ka dhigtay mid Dadkiisu ay noqdeen dad Xor ah oo Fikirkooda u muujiya qaabab kala duwan, waxa aynu ka warqabnaa in Muwaadinku uu Madaxdiisa si kasta ula hadlo oo suaasha uu doono weydiin karo isaga oo isku kalsoon, Sidoo kale waxa aynu dhisanay Saxaafad si dhamaystiran uga hanaqaaday Dalkeena oo Muwaadiniitu ay fikirkooda ku gudbiyaan, waxaa kale oo Saxaafadeenu ay noqotay mid daqiiqado yar gudahood ku soo gudbisa dhacdo kasta. Dabcan Arrimahaas iyo guulaahaas Maskaxeed iyo Aqooneed iyo Cabirka Fikirka Xorta ah ee aynu haysanaa ma aha mid cir ka soo dhac ah oo la iska helay, waxa Ummada reer Somaliland ay usoo martay Dariiq aad u dheer oo dhib badnaa iyo dedaal xooggan oo ay Ummada Somaliland iyo Xukuumadaheedii kala danbeeyay ay u soo dhisayeen si tartiib-tartiib ah.

Intaas ka dib haddii aan usoo gundadego Gacan ka hadlka dhex maray Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyo ku Xigeenkiisa ahna Saaxiibkii Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, waa dhacdo kooban oo si nasiib darro ah u dhex martay laba Masuul oo Saaxiib ah muddo dheer soo wada shaqeeyay, siina wada shaqayn doona, waxaana dhacdadani ay tahay mid Caalamka oo dhan ka dhacda.

Waa Arrin aan Saameyn weyn ku yeellan doonin, Saaxiibtinimada iyo Walaalnimada iyo Wada shaqaynta ka dhaxaysa Gudoomiyaha iyo ku Xigeenkiisa, waana mid dhakhso loo xallin doono, sida Caadada iyo Dhaqanka u ah Ummadayada Sharafta badan ee reer Somaliland..

Haddii aad maanta aragteen laba Oday oo Saaxiib ah oo ay ka yar duushay, berri waxaynu arki iyaga oo Gacmaha is haysta oo si wada jir ah ugu adeegaya Qarankooda. Cadawga Somaliland ee Arrintan sii buun-buuninayana waxaan u sheegayaa in Qaranka Somaliland uu yahay Qaran Jirrido adag ku taagan oo aan ku ruxmin muran kasta iyo khilaaf siyaasadeed oo yimaada, waxaanu nahay Ummada Xadaarad leh, oo yaqaana sida loo xalliyo dhib kasta oo dhacda.

Waxaa Muhiim ah in Cadawga Somaliland uu ogaado in Qaranka Somaliland uu yahay mid aan ku Ruxmin dad is feedh-feedha ama dad murma, waxaana inta badan Cadawgeenu uu khalad ka fahmaa Dadweynaheena Xorta iyo Nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu Gaadhnay iyo Saxaafadeena Madaxa banaan, taasoo muuqaalada iyo macluumaadka ay soo gudbiyaan uu Cadawgeenu u fahmo in Somaliland ay Burburayso, sida xaqiiqdu tahay waxa aynu haynaa tubta toosan ee aakhirka ina geyn doonta helitaanka Nidaam dhan kasta ka dhisan oo Dawladnimo oo ay Muwaadiniintiisu ku Naaloodaan Horumar iyo Badhaadhe.

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories