HomeGudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Indho...

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Indho Indhayna ku Maray Dagmooyinka Mida Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo  (SLpost)-Gudoomiyaha xisbiga  wadani Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Ciro) oo maalmihii ugu dambeeyay socdaalku marayay gobolka sanaag  ayaa maanta Gaadhay deegaano ay ka mid yihiin   dayaxo , Doonyaha  iyo goob     oo ugu yaraan afartan kiiloomitir dhinaca waqooyi Glabeed kaga began magaalada ceeriaabo.

IMG_0266

Socdaalkan oo ay Gudoomiye Ciro ku wehelinayayeen  xubno isugu jira hogaanada  gudiga fulinta , haweenka Xildhibaano ,cuqaal iyo masuuliyiin kale   ayaa daaranaa ukuurgalida hawlaha deewaangalinta doorashooyinka ka socda gobolka sanaag  waxaana halkaas   kusoo dhaweeyeen  dadwayne tiro badan oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka xisbiga wadani niyad kuwaasi oo ay  ka muuqato taageerada   ay u hayaan xisbigiisa.

Dadwaynaha halkaas ku soo dhaweeyay ayaa dhamaantood tibaaxay inay tageersanyihiin xisbiga wadani   isla markaana ay ka rajaynayaan inuu  noqdo mid gobolka sanaag iyo guud ahaan Somaliland ba u horseeda  horumar dhaliyana isbedel tisqaada oo ku dhisan cadaalad.

IMG_0239

DHanka kale xildhibaanada iyo xubnaha waftiga wehelinayay ciro ayaa dhankooda ka dareenceliyay soo dhawaynta balaadhan ee loo sameeyay waxaaana ay sheegeen inay aad ugu farax sanyihiin inay u yimaadaan bulsho u heelan isbedel ka tisqaada Somaliland iyagoo intaa raaciyay inuu xisbigoodu diyaar u yahay dhamaan qodobada ay dadwaynuhu tibaaxeen iyo horumar kasii balaadhan inay dalka gaadhsiiyaan iyagoo dadwaynahana ugu baaqay inay ka qayb qaataan diiwaan galinta ka socota gobolka

Sidoo kalena Gudoomiye ciro oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horayba u mahadceliyay sida diiran ee loosoo dhaweeyay isaga iyo waftiga uu hogaaminayo isla markaana ugu baaqay inay doorka ugu wayn kaqaataan isbedelka loo baahanyahay inuu dalka ka dhaco

‘’Odayaasha ,Cuqaasha , Haweenka iyo DHalinyaradaba aad ayaanu idiinku mahad celinaynaa sida Balaadhan ee aad noosoo dhawayseen,waxaanu idiinku nimi in aanu ogaano oo u kuurgalo sida ay u socdaan hawlaha diiwaan galintu, waxaanu aad ugu faraxsanahay in ay goobtani tahay goob si aada laysugu diiwaan galinayo,,

IMG_0258

Gudoomiye ciro ayaa dadwanaha ku booriyay inay isdiiwaan galiyaan si ay u helaan adeegyada ay xaqa ugu leeyihiin  dawlada iyo xaqa ay uleeyihiin inay doortaan cidii majara u qabanlahay , isagoo dhanka kalena sheegay inay xisbiga wadani hadii uu guulaysto uu horumari doono dhamaan adeegyada aas aasiga ah isagoo haday tahay dalaga dhulka kabaxa iyo xoolaha noolba

IMG_0110 IMG_0128 IMG_0223 IMG_0230 IMG_0257

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories