HomeGudoomiyaha Maxkamadda Sare oo si Adag Uga Hadlay Xadhiga Suxufiyiinta, Salaadiinta Iyo...

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo si Adag Uga Hadlay Xadhiga Suxufiyiinta, Salaadiinta Iyo Fannaaniinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay inay dejiyeen hanaan cusub oo ay raacayso cidda cabasho ka qabta Saxaafadda islamarkaana aanay dhici doonin hay’ad warbaahineed ama suxufi lagu xidho mihnaddiisa xukun la’aan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay doorkooda xadhiga hoobalada shalay la xidhay.

 

“ Waxaanu raacnay waddo cusub oo ah mihnadda saxaafadda iyo saxafiga inaan loo xidhin mihnaddiisa uu gudanayo. Haddii loo haysto wax dambi ah mihnaddiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin laakiin dacwad la furo oo hadhaw wixii maxakamaddu soo saarto lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxakamadda laga hortagin,” ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mararka qaar khalad baa dhaca xagga booliska ka yimaada oo iyadoo aan maxakamadda wax waaran ah laga wadan qofkii muddo gaaban la xidho, markaa maxakamaddaha marka kaliya ee qofku u xisaabsan yahay waa marka ay waaran sharci ah soo saaraan. Waxaanu hadda raacnay nidaam cusub oo ah saxaafaddu dadka kale way ka duwan tahay ee dacwad ha loo furo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa saddex dacwadood oo saxaafadda ku saabsan ay qaadeen intii uu xilka hayay islamarkaana dacwaddu socotay iyadoon suxufi iyo xarun warbaahineed midna la xidhin, saxaafadduna qabsatay looyaro oo is difaacaysay.

 

Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu ka hadlay doorkooda xadhiga fannaaniinta xidigaha geeska ee shalay afar ka mid ah la xidhay “Iyagu(Fannaaniintu) way ka duwan yihiin saxaafadda oo iyaga iyo salaadiinta iyo dadka caanka ahi, had iyo jeer haddii lagu eedaynayo dambi qaranka ka soo horjeeda ama ciqaab ah, iyaga marka hore booliska ayaa baadhis sameeya,haddii markaas la arko in dambi dhacay nidaamkii caadiga ahaa ayay maraan, xeer ilaalinta ayay maraan, dabeed waaran ayaa la dalbadaa, kadibna waa la soo qabtaa. Markaa anaga halkaas waxa nagala gudboon uun in marka waaranka la jarayo shuruudaha galdacwadeedu buuxaan oo shuruudihii laga helay iyo marka mar dhaw maxakamadda la keeno inay helaan gar naq caddaalad ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha maxakamadda sare.

 

Booliska Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay afarta fannaan ee kala ah Xamda-queen, Nimcaan-hilaac, Maxamed-cirro iyo Cabdiraxmaan-oday oo ka soo laabtay Muqdisho. waxaa lagu haystaa tagistooda Muqdisho oo xukumadda Somaliland sheegtay inaanu sharcigu u ogolayn.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories