HomeGudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo ka qayb galay  Shirar Caalami ah

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo ka qayb galay  Shirar Caalami ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Nairobi (SLpost) — Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo JSL ahna gudoomiyaha gudida cadaaladda  ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa”(Open Law- Africa Conference 2015,  the free Access to Law in deepening  Rule of Law and Democracy ),  waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,  waxa soo wada  qabanqaabiyay African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyo  Kenya Law.

Shirka labaad waxa  uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa  kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka  (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law – Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay  UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

Shirka  hore waxa maalintiisa  hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya, Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo  gudibinaysay fariin ah  in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda  is waydaarsandoonaan,  isla markaana  la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed,  isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkada  Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

Shirka labaad  waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.

Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aamada Garsoorka.

Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.

 

Somalilandpost.net, Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories