HomeGudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ku Baaqay In Wacyigalin Damiirka Dadka Lagu Soo...

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ku Baaqay In Wacyigalin Damiirka Dadka Lagu Soo Celinaayo la Sameeyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa sida fiinta uga qaliyay in uu burburay dhaqanka bulshada Somaliland oo dadka dacwaduu ay ka soo galaan maxkamadu ay doonayaan gar iyo gardaraba in waxii ay u yimaadeen loo xukumo.

Waxa uu gudoomiyahu ku baaqay in loo baahan yahay in shacabka la wacyi galayo si damiirkooda dib loogu soo celiyo, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Waxyaabaha noogu la yaabka badnaa waxa weeye dadkeennii way is bedaleen, qof waliba waxa uu doonayaa xaq iyo xaq darraba in loo xukumo isagoo qiraya inaanu meelna ka soo gelin kiiskaas, haddana toban sanno dacwad ku jirayaa. Waa in bulshadda laga wacyi geliyaa arrintan oo damiirkii la soo celiyo. Waxa aad arkaysaa qof 200km oo isku weera oo miyi ah oo dhul daaqsimeed ah oodanaya. Markaa qofka sidaas u dhaqmayaa halkee ayuu ku socdaa?”Ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda Sare.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in gobolladii ay socdaalka ku tageen ay ku soo arkeen waxgarad aan ciddii wax dulmaysay ka qabanaynin. “Ummadda dhaqankeedii baa is bedalay, Garsoorka oo kaliyi waxba kama bedali karo. Waayo bahda Garsoorku dacwad uun bay qaadayaan.waxa jira in qofkii gardarnaa aanay waxgaradkiisii qabanaynin ee ay taageereyaan aad arkaysaa,”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu bogaadiyay hanaanka ay bulshadda ugu adeegayaan Garsooreyaasha maxkamadaha Sool iyo Sanaag, waxaanu yidhi “Waxyaabaha kale ee wanaaga ah ee aanu la yaabnay waxa ka mida. Dad cidlo fadhiya oo aan agab haysan oo aan dhaqaale haysan oo haddana cadaalada ay samaynayaan iyo sida ay u shaqaynayaan aad yaabisid ayaa jira. Garsooreyaasha maxkamaddaha Sool iyo Sanaag, iyagoo duruuf adag ku shaqaynaya haddana waxaan ku ammaanayaa inay kala dambaynta iyo sharcigu ahaa mid shaqeynaya.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories