HomeGudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Sheegay in ay Wasiirradu Qortaan Shaqaale Sharci...

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Sheegay in ay Wasiirradu Qortaan Shaqaale Sharci Darro oo Beelohooda u Badan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Md Maxamed Maxille Boqorre, ayaa dibadda soo dhigay Gal-daloolooyin xad-dhaaf ah oo ku jira Hannaanka shaqaalaysiinta ee Dalka, gaar ahaan xarumaha Dawladda, waxana uu tilmaamay inay dhibaatooyin badani arrimahaas ka jiraan. Guddoomiye Maxille oo shalay hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa Bannaanka soo dhigay Eex iyo Nin jeclaysi baahsan oo hadheeyey habka shaqaalaha loo qaato waxana uu tilmaamay in Masuuliyiinta Xarumaha Dawladdu isticmaalaan Hab aan daahfurnayn oo ay dad gaar ah u shaqaalaysiiyaan.

Mixille waxa uu xusay in Wasiirradu shaqaalaysiinta sharciga baalmarsan ee ay isticmaalayaan u adeegsadaan Hannaanka loo yaqaanno Temporary-ga(shaqaale aan rasmi ahayn)oo ah Nidaam loogu magac Bixiyo cidkasta oo sifo khaldan lagu shaqaalaysiinayo “Wasiirrada Madaxweynahaa iigu yeedhay oo ii shiriyey, waxana aan ku idhi Nimankiinan wasiirrada ahow dad baad iska shaqaalaysiisataan, dadkaasi ma jiri doonaan, nin walba oo wasiir ahi dad buu meel sii dhiganayaa Temporary lagu sheegayo, kuwaas oo laga yaabo inay isku beel yihiin, taas anigoo horjoogsanayo waxan ku idhi wax temporary la yidhaahdaa ma jiri doono.” Ayuu yidhi Guddoomiye Mixille.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay xad-dhaaf noqdeen shaqaalaha Dawladda u shaqeeya ee imtixaan la’aanta ku shaqeeya, iyadoo Guud ahaan shaqaalaha Dawlada marka saddex meelood loo qaybiyo meel kamid ahi imtixaan la’aan ku shaqaysato, waxana uu yidhi, “Shaqaalaha Tiro-koobkii aanu helnay 15223-qof oo inta imtixaan ku fadhidaa noqotay 9625-qof, Halka 5598-qofna ay imtixaan la’aan ku shaqaynayaan. Dadkana dabada ayuun baa loo qabtay oo waa la iska qoraa.” Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “xarunta Hay’adda shaqaalaha bilaa imtixaanka ah sawirradoodu ma yaalliin, laakiin kuwa imtixaanka galay waanu haynaa, intii aan joogay Shaqaalaha Dawladda waxa ruqsado qaatay ilaa 25-qof, kuwaas oo aanu xaqooda siinay.”

Guddoomiye Maxille waxa uu si gaar ah u xusay wax isdaba-marin dhinaca liiska shaqaalaha ah oo uu wasaaradda Caafimaadka ku helay, waxana uu yidhi,“wasaaradda Caafimaadka waxanu ka helnay Dad Badan oo shaqaale lagu sheegayo oo mushaharka iska qaata, kuwaas oo ama suuqa iska jooga ama hawlo gaar ah iska wata, kuwaasna waan ruqseeyey.”

Hadalka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa caddayn buuxda u ah in Hannaanka shaqada Shaqaalaha Dawladda loo qoraa yahay mid ay hadheeyeen Musuq iyo daahfurnaan la’aani, waxana uu taageerayaa Warwar xad-dhaaf ah oo arrintan ay ka muujiyaan Dhallinyarada aqoonta leh oo Dalka Gudihiisa ku sugani.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories