HomeGudoomiyaha Goloha Wakiiladda Urur-siyaasadedka WADANI oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Hargeysa...

Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Urur-siyaasadedka WADANI oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Hargeysa kana hadlay Ujeeddadii Safarkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo ah oo qaatay muddo bil ku dhowaad ah oo uu ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

blankGuddoomiyaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha Urur siyaasadeedka Wadani, oo markii uu maanta ka soo degay madaarka Hargeysa ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, Ku simaha duqa caasimadda ahna Maayar Ku xigeenka Hargeysa  Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Xildhibaano tiro badan oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda, salaadiin, Cuqaal, masuuliyiinta urur siyaasadeedka Wadani iyo Boqolaal ka mid ah taageereyaasha ururkaasi ee magaaladda Hargeysa nool.

blankGuddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha Urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo  qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kaga war-bixiyay socdaalkiisii dalalka Imaaraadka carabta iyo Ingiriiska. Intaasi ka dib waxa Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen gaadiid aad u tiro badani u soo galbiyay xarunta ururka wadani ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu khudbad uga jeediyay Taageereyaasha ururkaasi.isagoo hadalkiisa ugu horeyn ku bilaabay sidan“Walaalayaal, Mudaneyaal iyo Marwooyin, shacbiga Somaliland ee reer Hargeysa waxaan halkan uga soo jeedinayaa mahad naq aad iyo aad u balaadhan oo qalbiga ka soo go’day sidii wanaagsanyd ee ay ii soo dhaweeyeen maanta haddii ay yihiin Salaadiin, cuqaal, Xildhibaano, Madaxda, masuuliyiinta iyo Taageereyaasha ururka Wadani. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa madaxda iyo ururkii Iftin. Markaan warka soo kobo halkan waxaan ka baxay anigoo ka wakiil ah ururka Wadani si aan uga qeyb galo wanqal loo sameynay laanta UK ee ururka Wadani.”

blankGuddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani waxa uu sheegay inuu dalka Ingiriiska kula kulmay masuuliyiin badan oo ka tirsan dalka Ingiriiska, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan intii aan joogay dalka Ingiriiska aan la kulmay masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingriiska,waxaan masuuliyiintaasi uga waramay xaalada Somaliland marayso. Dimuqraadiyadda aadna way u bogaadiyaan.waxay masuuliyiintii aan la kulmay oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Ingiriiska taaageero buuxda ayay u fidiyaan Somaliland.”

blankGuddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan kala hadlay xidhiidhka ay la leeyihiin Baarlamaanka Somaliland waxaanay noo xaqiijiyeen in Somaliland ay ka soo qeyb gasho shirarka iyo tababaradda ururka ay leeyihiin dalalka ku midoobay barwaaqo sooranka inkasta oo aynaan xubin rasmi ah ka ahayn, haddana waxay inoo xaqiijiyeen inaynu ka qeyb geli doono dhammaan kulamadoodda iyo tababarradda ay sameeyaan”.

blank“Waxaan ugu bushaareynayaa shacbiga Somaliland iyo taageereyaasha Wadaniba in hawshii ay ii direen si wanaagsan iyo guul ku soo dhamaatay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani.

blankGuddoomiyuhu wuxuu sheegay in ururada cusub ee dalka laga furay ay calaamad wanaagsan u yihiin heerka dimuqraadiyadda dalku marayso “Ururadda badan ee la furay runtii waxay yihiin calaamad wanaagsan oo dimuqraadinimo waana calaamad caafimaad qab dimuqraadiyadeed. Jaaliyadaha Somaliland ee aan kula kulmay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabtuba waxay soo jeediyeen in xoogeena iyo midnimada ummadda Somaliland la isu geeyo oo laga bilaabo inay ururaddu isu tagaan si aynu u helno xisbiyo qaran oo saldhigoodu balaadhan yahay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

blankMd. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlaan ururada ay isku afkaarta dhow yihiin, waxaanu yidhi “Urur siyaasadeedka Wadani wuxuu u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo jaaliyadaha dibadaba inuu soo jeedintooda iyo talladoodaba aqbalay, waxaana taasi marag u ah inay ururka Wadani ay iskaashadeen Urur ka mid ah ururadda cusub oo ah Iftiin. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay inaanu ururada aanu isku mabaadi’da dhow nahay isu nimaadno oo xoogayaga isku geyno iyo urur kasta oo diyaar u ah tallaabadan oo kale ahba.”

blankGuddoomiyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan UK iyo Imaaraadka carabta, waxaanu tilmaamay inay farriimo wadaniyadeed soo fareen isaguna uu uga xog waramay xaaladda dalku marayo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay urur ahaan aqbalayaan natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Goleyaasha deegaanka, waxaanu yidhi “Waxaan ku boorinayaa ummadda Somaliland inaynu dhammaan ka qeyb qaadano hanaankaas dimuqraadiyadda ah ee asxaabta badan ee aynu samaysanay inaynu ku tartan, waxaan idiin caddaynayaa in ururka wadani yahay urur nabadeed. Waxa kale oo aanu idiin cadaynaynaa inuu yahay urur ku dhaqmaya siyaasad nadiif ah oo xariir ah. Waxaanu idiin caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi in ururka wadani aqbalayo. Walaalayaal waxaanu u baahan nahay taageeradiina shacbiga Somaliland dhammaanteenna waxaan rajaynayaa inaan dhammaanteen iskugu iman doono ururka Wadani.”

blankDhinaca kale, Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii Iftiin Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ku biiray ururka Wadani, oo ka hadlay soo dhawayntii weftiga Guddoomiyaha ayaa sheegay inay la bahoobeen oo ay ku biireen urur siyaasadeedka Wadani oo uu tilmaamay inay u arkaan inuu yahay ka qudha ee ay isku afkaar dhow yihiin.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories