HomeGudoomiyaha gobolka Sool oo Cuqaasha ka Codsaday inay kala shaqeeyaan Nabad-gelyada

Gudoomiyaha gobolka Sool oo Cuqaasha ka Codsaday inay kala shaqeeyaan Nabad-gelyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Maamulka gobolka Sool ayaa shalay kulan kala yeeshay Cuqaasha, Salaaddiinta iyo Madax-dhaqameedka gobolkaasi sidii ay maamulka gacan uga siin lahaayeen adkaynta nabad-geliyada.

Kulankaas oo lagu qabtay guriga loo yaqaano guriga Cad ee looga arrimiyo gobolka Sool, oo uu soo qaban qaabiyay Badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, waxaa ka soo qayb galay dhamaan Cuqaasha ku nool deegaanada gobolka Sool, aqoon yahanka iyo waxgaradka gobolkaasi. Intii uu socday kulankani ayaa si wayn loogu falan qeeyay ilaalinta iyo adkaynta nabad geliyada iyo sidii ay xidhiidh joogto ah u yeelan lahaayeen maamulka gobolka iyo Cuqaasha gobolku.

Guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali oo kulankan ka hadlay ayaa ka codsaday Cuqaashii ka soo qayb galay in ay maamulka gobolka kala shaqeeyaan ilaalinta iyo adkaynta nabad geliyada, isaga oo sheegay Guddoomiyuhu in ay maamul ahaan dhamaystirayaan wax kasta oo tabashooyinkooda ku xidhan. “Guddidu way ka hadashay arrinta nabad geliyada,cuqaashuna si fiican ayay ugu jawaabeen, waxaa la idinka rabaa in aad maamulka gobolka la shaqaysaan, waxaa cadaatay in maamulkii hore ee gobolka iyo cuqaasha ay wada shaqayn la’aani ka jirtay dhexdooda, anagu maamul ahaan waanu idinla shaqaynaynaa, waanan idin soo dhawaynaynaa goortaad doontaan iyo xili gaad doontaan xafiiska gobolku wuu diin furan yahay, anagu waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo nabad geliyada ka shaqaynaysa” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sool.

Badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali ayaa u soo jeediayay cuqaasha in ay dadka ka wacyi geliyaan in aanay guryahooda ka kirayn cid aanay garanayn, isaga oo xusay Guddoomiyuhu in ay maamul ahaan talaabo ka qaadi doonaan cidii gruyahooda lagu arko iyaga oo ka kireeyay dad aan la garanayn waxaanu yidhi; “Wixii dhibaato ah ee aad dareentaan waa in aad maamulka gobolka la soo socodsiisaan, guryaha la degayaana waa guryaheena, markaa waa in aad dadka ka wacyi gelisaan oo aad tidhaahdaan hebeloow gurigaaga cida aad ka kiraysay miyaad garanaysaa, qofka gurigiisa waxyaabahaasi laga helo waa la qabanayaa oo waa la xidhayaa, qaar ayaana hada arrimahaasi oo kale u xidhxidhan, markaa waxaa la idiinka baahanyahay haddii aad tihiin cuqaashii gobolka Sool bal in aad dadkiina ka wacyi gelisaan guryahooda dadka ay ka kiraynayaan ee aanay garanayn oo qofka marka guriga laga kiraynayo in uu damiin yeesho taa ayaan idiin soo jeedinayaa haddii aad tihiin cuqaasha Sool.”

Qaar ka mid ah cuqaashii kulankaasi ka qayb galay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan shirkani lagaga arrinsanayo ilaalinta iyo adkaynta nabad geliyada iyo sidii maamulka gobolka iyo Cuqaashu ay uga wada shaqayn lahaayeen nabad geliyada.

Waxaa kale oo ay cuqaashani tilmaameen in ay diyaar u yihiin in ay si mug leh ula shaqayn doonaan maamulka cusub ee gobolka Sool, iyaga oo xusay in ay doonayaan in shirarka dhex mari doona iyaga iyo maamulka gobolka ay ahaadaan kuwo talan-taali ah oo aan loo kala hadhin. “Maamulka gobolka, madaxda kale, Cuqaasha iyo shacaba inteenaasi oo dhami waa in aynu ilaashanaa nabad geliyadeena, oo uu nin walba xil iska saaro waayo danteena ayaa ku jirta, taana waynu wada aaminsanahay waanaynu isku raacsanahay.”

Cuqaashani waxaa kale oo ay sheegeen in ay si wayn u soo dhawaynayaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland u magacaabay, iyaga oo xusay in ay Wasiirka cusub ku casuumi doonaan gobolka Sool gaar ahaana magaalada Laascaanood ka cuqaal ahaan, si ay u falan qeeyaan amuuro badan oo uu gobolku u baahan yahay, iyaga oo intaasi raaciyay in Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudduhu uu yahay nin ay aqoon badan u leeyihiin isla markaana shaqadiisa ka soo bixi kara. “Haddii aanu nahay cuqaasha,salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Sool waxaanu hambalyo iyo boogaadin u diraynaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, taasi oo ku saabsan magacaabida Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland.” Ayay yidhaahdeen cuqaashani.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories