HomeGUDIMO: Gabay Ka Warramaya Dhibaatada Lagu Hayo Deegaanka iyo Dhirta

GUDIMO: Gabay Ka Warramaya Dhibaatada Lagu Hayo Deegaanka iyo Dhirta

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gabaygan waxa tiriyay abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, taariikhdu markay ahayd Ogos/2005ta, waxa uu kaga waramayaa goynta,garaacidda;iyo gubidda geedaha goor walba lagu hayo, wanaaga geedaha iyo waliba cawaaqib xumada laga dhaxlo jaridda geedaha, ugu dambaynna wuxuu baaq u dirayaa bulshada guud ahaan madax iyo mijaba, isaga oo ku guubaabinaya in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta deegaanka ,

Abwaanku wuxuu yidhi:

blank

Tixo gaaxsanaayoo in badan, iga dhex guuxaayay

Gurxan igu dadnaayoo beryahan, gibil an saaraayay

Gaaddadu hal ay haysay baan, soo gambiyayaaye

Gudcur madow iftiin iyo caddiyo, labada gooroodba

Galin hore illaa duhur dhaxaad, guure iyo laylba

Waagii guduutaba dhirtii, waa la guarayaaye

Gudin iyo waxaa lagu jaraa, daabab gaamuraye

Golxob baa intaas lala dhacaa, laguna gooyaaye

Faash baa guntuun siiba oo, lagu garaacaaye

Gacan aan naxaynbaa intaa, oog ku gawriciye

Galoolkii dhib baa haysatoo, gulufyo loo saarye

Qudahcii darbaa gubahayoon, daaya garanayne

Maraagii dar baa gaabshayoon, galabna dhawrayne

Rag garaadka laga qaadayoo, gini u rooraaya

Oo ganacsi doonaa arliga, gelelafaayuune

Gadbadiyo waxay mooriyaan, gaadhiyaal kidha’e

Giintaallo iyo joonyaday, soo gimgimayaane

Ficil aan gudboonayn ayay, gawda ku hayaane

Dogobkii gaboobee fuqaa, oog la geliyayaaye

Gu’giisuba mid uu koobanyoo, loo hadh galis doonto

Oo guudka dhaameel ku loo, soo gandoodsamaya

Gaf weeyaan waxay ugu tagaan, way gurracanyiine

Goodhiyo haddii ay furtaan, gaasta lagu iibsho

Ama ay gasiin keenayaan, gaajo bixinaaya

Gogoshiyo haday soo raraan, garamo jaad jaada

 Garawgiyo hadday beerayaan, gaalley lagu reeyo

Guul bay ahaan layd nacfiya, waa gobnimo wayne

Gunnimay xambaarteen haddeer, way gar daranyiine

Guhaad bay mutaysteen canaan, laguna guulguulye

Waa niman gundhada jeel ku wacan, iyo Guwaantaame

Waa niman garnayl lagu ridoo, leebab lagu gano’e

Geeduhu wanaaggay taraan, aadmi wuu garane

Gaafkiyo aroosyada markii, gabadh la hoynaayo

Dhig giraana cawsyada gudaha, udub gargaaraaya

Gabboodkeena weeyaan hurdada, aan ku gamanaaye

Gomoshaagu waa midho la cuno, oo jidiin guro’e

Gumartaa dawaayoo xoqado, goohtir waw tahaye

Gegadii an daaq layn biyuhu, way ka gororaane

Xareeddaa ka guurtoo arlada, galalac seegtaaye

Gudguguhuba wuu dhaafayaa, kana  gudbaayaaye

Badda guuxda bay aadayaan, gooshka socodkaaye

Gagadii an kayn layn nafluhu, wuu ka geeddiyiye

Ugaadheenni way gooshtayoo, guurtay badideede

Goraygeenni wuu suudalaa, gadafka fiicnaaye

Gerigina socdaal amin horoo, goodir muu hadhine

Garanuugti way dhooftayoo, dhimay gol wayniiye

Wuu gaba gabooboo biciid, lagu gabraar waaye

Guunyadu ma noolayaan, geedka oon jirine

Geelaa inoo daaqa oon, godol ka maalnaaye

Garadiyo rideennaa ku ladan, kuna garaaryasta

Laxo gorod madow baa intaa, gawska ku cunuune

Lo”da geeska dheer buu u yahay, soor gasiin wacane

Gaadiidku kama maarmi karo, iyo gammaankeenu

Inagana markay dabar go’aan , guul darraa dhalane

Galbashiyo jab baa iman khatara, geeri badataaye

Doqonkaa dharaartii gamoon, aan gilgilanayne

Guruxyadu markii ay arkeen, khayrkan soo gudhaya

Geedahan la xaaqaayo ee, guusay nacabkeennu

Gumaadkaas gobkii laynayeen, gacal u doodaynin

Geerida xadkeed dhaaftay iyo, soo gunaanadanka

Gamta loo istaagiyo xasuuq, gaadis lagu biiyo

Gocondhada la jaarteen kolnaba, laga garaabaynin

Goldalooladaas baahdayeen, cidi gufaynaynin

Gartay weeye qoomyahaw inaan, gabay sameeyaaye

Waxaan baaqyo gaadhsiinayaa, gebi ahaanteene

Madaxwayne gaadh laga hayoo, gaadhi lagu qaado

Wasiirrada intii gudo ku sugan, ama galbeed aadday

Baarlamaanka goonyaha dalkiyo, jooga garabkayga

Guurtida u heegana xalkee, talo gorfaynaysa

Golayaasha qarankee hoggaan, guudka laga saaray

Xisbiyadan guntigu dhiisha yahay, ee kursiga goobi

Sheekhyada guddoonka u ahee, gudaya diinteenna

Jaamici goboo raba inuu, gobolkan taageero

Inta haayad gooshaysa ee, gaal leh iyo muumin

Dhallinyarada guga noo kacdiyo, geesiyada maanta

Gaashaanka kuwa noo ahee, gaas leh iyo boolis

Geeljire halaa raaca oo, gorof ku heensaysan

Gadh intii leh gaban iyo caruur, doobab gololgoolay

Gambaleeyda bilistee duruuc, iyo garays qaata

Gabdhihiyo haweenkaas guryaha, gagada noo jooga

Guban kii dawaafiyo midkii, golis dul meeraaya

Guryosamo ninkii taagan iyo, guudka Darar wayne

Kii gamasanee sexdayee, gabay xilkiisiiba

Iyo kii guclaynee rucliyo, gaabin orodkiisa

Giddi uunka Soomaaliyeed, goob kastuu yahayba

Guubaabadaydani dhugtoo, geliya laabtiinna

Gunta waanadaydoo xafida, gabi ahaanteedba

Haddii aan gafuurkiyo la qaban, gaarakaa madaxa

Belaayada gondaha laguma dhago, waanay gudubtaaye

Garab garab haddayn noqono, iyo gooni kala maagta

Gacmaheenna xooggaa ka tagi, waanay talax gabiye

Gabaahiir sidedii arliga, xaaluf wada gaadhye

Dhulki wuu gaddoomoo dhawaan,  wuu goblamayaaye

Gawaan iyo wuxuu noqonayaa, goobo lama dego’e

Gurmad iyo wuxuu kaa rabaa, inad gargaartaaye

Geestaada yaan looga dhicin, giiji dhinacaaga

Qof kastoow bartii kula gudboon, hawsha ka guddoonso

Godka awd bannaanaadayoo, bii gobtahanyadanna

Isu geeya muruqiinna oo, guuto qudha yeesha

U daruura gaashaan kuwaas, guridda caadaystay

tebinta iyo tifatirka Axmed-yaasiin C/Raxmaan Axmed

ayaasiin55@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories