HomeGudidda Dib-U-Habaynta Ganacsiga Heer Qaran Oo Shirkoodii U Horaysay...

Gudidda Dib-U-Habaynta Ganacsiga Heer Qaran Oo Shirkoodii U Horaysay Yeeshay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Gudidda dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, ayaa shalay kulankoodii u horeeyay   yeeshay kaasi  oo  si rasmi ah ugu furmay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagaga   hadli  doonaa  sidii loo fududayn lahaa hirgelinta  Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah isla markaana   wixii dhibaato ku ah ganacsiga ee dalka ka jira looga qodax-qaadi  lahaa.

Gudidan dib-u-habaynta ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee heer qaran, oo ay xubno ka yihiin wsiirro ayaa waxaa furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay  Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka  Hawlaha Guud iyo Guryeenta, Wasiirka Waxbarshada , Wasiirudawlaha Maaliyadda, Wasiirku -xigeenka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha lagaga wada hadlayo iyo sida loogu baahan yahay in shirka ay ka soo baxaan qodobo dhiiri galinaya in dalka Somaliland  uu soo jiito Maal gashadeyaal caalami ah isla markaana  ay ugu fududaan lahayd ganacsatada reer Somaliland in ay dalka maalgashadaan.

Waxaanu yidhi  “Gudidan waxaa  loo magacaabay inay fududeeyaan oo ay sahlaan,  oo ay u sameeyaan  nidaam   ku fiican,  oo la maalgashan karro,  oo ganacsi  laga  furan karro,  oo dadka soo jiidata in la sameeyo oo wax alla wixii caqabado ah la yareeyo,  ama  la baabiiyo. Markaa  gudidan waa markii u horaysay ee ay kulanto, waaxaan looga jeedaa  mar hadii ganacsiga la fududeeyo oo xaaladiii ganacsiga hore loo mariyo waxa imanaya shaqo abuur oo ganacsatada maadaama dhaqaalihii 93% aya gacanta ku hayaan.

Shaqaalaha  aynu u baahanahay 93% waa inay shaqaaleeyaan  ganacsatadu, markaa si taasi inoogu suurto gasho dhibaatooyinkii haystay ganacsiga waa inanu yareena oo kala mid dhignaa aduunka horumaray, imika riwanda oo kale ayeynu isku dhawnahay markaa riwanda meel adag bay ka soo bilawday manta meel wanaagasan bay maraysaa.

Markaa  inaynu sidaas oo kale oo ay gudidani ka shaqayso oo ay sidii loo horumarin lahaa waxna looga badili lahaa ee daruuftiisa loo hagaajin lahaa ee caqabadaha looga qaadi lahaa ganacsiga ayuu ahaa ujeedada shirkan, markaa waana shirkii u horeeyey waana bilawnay waanu soconayaa sidaasaana wixii shuruuca ee uu u baahan yahay inaanu sameeno”.

Waa markii ugu horraysay ee gudigani ay shir isugu yimaadaan waxaana laga filayaa in ay soo saaraan qodobo maal gashadayaasha caalamiga ah u fududaynaya in ay ku soo dhiiradaan maal gashiga Somaliland isla markaana dalka ka hir galisa shaqo abuur iyo in dad badani ay shaqo ka  helaan.

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories