HomeGudida Qiimaynta Darajooyinka Ciidammada Oo Sheegay In La Eegayo Cabashooyinka Jira

Gudida Qiimaynta Darajooyinka Ciidammada Oo Sheegay In La Eegayo Cabashooyinka Jira

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa ( SLpost ) Guddidii qiimaynta darajooyinka ciidammadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dib u qiimayn doonaan oo ay darsi doonaan wixii cabasho ah ee ka soo baxda darajooyinka todobaadkan loo qeybiyay noocyadda kala duwan ee dalka.

Guddidu waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeysa isla markaana ay ku iftiiminayeen in darajooyinka loo raaciyay nidaam iyo qorshe hore loogu dhigay in laga duulo.

Guddoomiyaha Guddida qiimaynta darejooyinka ciidammadda Somaliland Saleeban Cumar (Ku-joog) oo shirkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay sidii lagu aasaasay iyo marxaladihii ay soo martay darajadda ciidammadda la siiyay todobaadkan,isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halkan waxa ku sugan Guddidii loo magacaabay darajo bixinta oo uu madaxweynaha Somaliland digreyto ku magacaabay bishii Septenber 25-2012, kuwaasi oo ka soo tallo bixinayey soona qiimeeyan habkii darajooyinka ciidammadda loo bixin lahaa, runtii hawshaasi darajo bixintu may ahayn mid dhib yar oo si sahal ah looga bixi karo.
blank
Runtii halkan aanu ka bilaabnay darajo bixintu waa halkii aanu ka unugnay ee ma aha mid dhamaystiran si hadhowto halkaasi looga amba-qaado sidaasi ayaa loogu dhiiraday in darajooyinka la bixiyo,”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in wixii cabasho ah ee ka soo yeedha saraakiisha ama ciidammadda dib loo qiimayn doono oo la darsi doono wixii dhacay, waxaanu yidhi “Khaladku waxa uu yimaadaa marka wax la qabto, laakiin qof aan waxba qabani maba khaldamo, ILAAHAY uun baa khaldamin, annagu bini’aadam ayaanu nahay, laakiin ma lihin annagu waxayagii waanu sugnay, laakiin waxaanu isleenahay sidii ugu fiicnayd ee cadaaladana waafaqsanayd ee ILAAHAY-na nagu ogyahay ayaanu ku bixinay ,ILAAHOOW eexna ha nooga tagin aqoon darrana ha nagu cadaabin ayaanu taagan nahay, cabasho way jiraysaa cabashadu ma ah mid dad kale cabanayaan, ku beelo cabanayaan ma ah.”

“Ninkii is leh wax baa kaa maqan waa loo diyaar, dib ayaa loo qiimaynayaa,”ayuu yidhi Saleebaan Cumar Ku Joog. Guddoomiyaha Gudida qiimaynta darajooyinka ciidammadda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidammadda cidna looma diidin waa la wada qoranayey nin walba waa galayey, laakiin ninka dantiisa ka waayey ee is yidhi lacagtaasi kugu filnaan mayso ee meelahaas kale iska warawareeg, waxaanu leenahay dee maanta ha soo hambabarine fursadu way ku seegtee, ciidamadda dib u gal haddii aad doonayso.”

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Ismaaciil Aadan Feel-jeex iyo Maxamed Cali Ismaaciil, waxaanay sheegeen in darajooyinkani aanay ahayn kuwii u dambeeyay ee ay tahay kuwii ugu horeeyay, cidii dedaal iyo karti la timaadana ay qaadan doonaan darajooyinka ciidanka. Waxa kale oo ay ka hadleen ahmiyadda ay Somaliland u leedahay darajadda ciidammadda oo sii xoojinaysa haybadda iyo kala dambeynta ciidammadda noocyadooda kala duwan.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyagu ku guualaysatay inay toban kun oo askari siiso darajooyinkii ciidammadda.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories