HomeGudida Cadaalada iyo Garsoorka Oo Sameeyay Isku Shaandhayn

Gudida Cadaalada iyo Garsoorka Oo Sameeyay Isku Shaandhayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa – (SLpost) – Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland ayaa maanta sameeyey isku shaandhayn ballaadhan, waxaanay magacaabis, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyey qaar ka mid ah Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha Qaranka ee goboladda Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool, Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Go’aankan isku shaandhaynta ah ee ka soo baxay Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaarada Caddaalada oo leh baahinta go’aannada ka soo baxa Guddida Caddaala ayaa u dhignaa sidan;

“Guddidu waxay go’aamiyeen isbadal garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal:

Sahal Cabdilaahi Xirsi waxaa laga badalay Gudoomiyaha Racfaanka ee gobolka Awdal waxaan loo badalay garsoore heer racfaan oo fadhigiisu yahay gobolka salal.

Cabdiraxmaan Rooble Barre waxaa laga badalay gudoomiyaha maxkmadda gobolka Awdal waxaana loo badalay garsoore maxkamadda racfaanka gobolka Awdal.

Maxamed Siciid Saaweer waxaa laga badalay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Boorama waxaana loo badalay garsoore maxkamadda racfaanka gobolka Awdal.

Axmed Xasan Askar waxaa laga badalay garsoore maxkamadda gobolka Sanaag waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Caynabo.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Togdheer waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Salaxlay.

Cabdi Haybe Cilmi waxaa waxa laga badalay Xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal waxaana loo badalay Xafiiska Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex.

Aadan Axmed Muuse waxaa laga badalay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaana loo badalay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Awdal.

Cali siciid Jaamac waxaa laga badalay maxkamadda degmadda Ceerigaabo waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Daad-madheedh.

Qodobka 2-aad: Magacaabid Gudoomiyayaal iyo Garsoorayaal

Idiris Faarax Muuse waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Awdal.

Aadan Cabdilaahi Cali waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda degmadda Boorama.

Maxamed Jibriil Cilmi waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal.

Xuseen Axmed Cabdiraxmaan waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Gobolka Sanaag.

Saleebaan Cumar Ciise waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda degmadda Burco.

Muuse Aamin Ciise waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Maxamed Xasan Axmed waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Sool.

Qodobka 3-aad: Waa Digniin Kama Dambaysa ah

Aadan Maxamed Muuse waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Cali Siciid Jaamac waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Qodobka 4-aad: Guddida Cadaaladdu waxa ay go’aamisay in Garsoore Ku-xigeen Xeer Ilaaliye iyo Diwaan-galiyaha iyo diwaan-haye iyo kaaliye shaqadda laga saaray dib loogu soo celin karo shaqadda garsoorka.

Qodobka 5-aad: Ansixin magacaabis Gudoomiye iyo Garsoore maxkamadda Sheekh

Axmed Cali Jaamac waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda degmaddda Sheekh.

Cabdilaahi Cismaan Xuseen waxaa loo magacabay Garsoore maxkamadda degmadda Sheekh.

Qodobka 6-aad:

Farax Khadar Nuur waxaa laga badalay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Mumtaha Maxamud Ibraahin waxa laga badalay xafiisak xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee degmadda Gabiley.

Gudoon Axmed Maxamud waxaa laga badalay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Togdheer.

Saahida Cali Jaamac waxaa loo daayey xarunta xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Qodobka 7-aad: Shaqo Ka Saari

Najma Cumar Jaamac waxay ahayd ku-xigeenka xeer Ilaaliye guud waxaana laga qaaday shaqadii ay qaranka u haysay ka dib markii ay shaqadda ka soo xaadiri wayday.

War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa Axmed Faarax Caddare Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories