HomeGudida Abaaraha Oo Maanta Isla Eegay Goobaha Gargaarku Gaadhay iyo Goobaha Wali...

Gudida Abaaraha Oo Maanta Isla Eegay Goobaha Gargaarku Gaadhay iyo Goobaha Wali laga Sugaayo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran, ayaa maanta fadhi ku yeeshay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 Fadhigan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kuna weheliyeen wasiiro, Gudoomiyaha hay’adda ka hortagga, aafooyinka iyo maamulaha xafiiska samafalka, ganacsato iyo culimo-awdiinka xubnaha ka ah guddidaas oo fadhigan maanta uu kala qayb-galay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, ayaa ujeedada fadhigu ahayd qiimayn lagu sameeyey habsocodka hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka.

 Guddigu waxay miiska soo saareen qorshaha goobaha ilaa hada wax lagu qaybiyey, xaddiga raashinka la gaadhsiiyey-goobahaasi, lacagta ku baxday gurmadka la fuliyey, god-daloolooyinka ka yimi, ama ka iman kara taakulaynta la fuliyey ilaa hadda, goobaha aan ilaa hadda waxba la gaadhsiin iyo qadhaanka loo baahan yahay hadda wixii ka dambeeya iyo dhinacyada laga heli karo qaadhaanka.

 Rogrog badan iyo aaraah lays-waydaarsaday ka dib iyo warbiximo ku saabsan goobaha wax la gaadhsiiyey iyo sida loo gaadhsiiyey oo la dhegeystay ka dib waxa laysla qaatay:

  1. In ilaa hada sida loo shaqaynayaa ay tahay xilkasnimo, wadaniyad iyo dawladnimo
  2. In sida ugu hufan uguna cadaaladsan lagu wado shaqada wejigeeda labaad ee hadda bilaabmaya, yoolkuna ahaado siday jiiduhu u kala daran yihiin.
  3. In la dardar geliyo wejiga labaad ee taakulaynta lana gaadhsiiyo meelihii aan hore loo gaadhsiin ee dalka oo dhan.
  4. In guddida heer qaran ee madaxweynuhu magacaabay, gudoomiyena uu u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  ay tahay guddida sharci ahaan u xilsaaran hawlaha taakulaynta abaaraha ee dalka, cidkasta oo taakulo waddana ay soo wargeliso guddida heer qaran xaddiga taakulada ay waddo, guddiga heer qarana ay u sheegto goobta ugu daran ee la geyn karo, Ururka samafalka ahi, ha ahaado mid waddaniya ama mid dawladeedba ee guddida qaranka xidhiidhin waaya in tallaabo laga  qaado.

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.             

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories