HomeGudida Abaaraha Gobalada iyo Heerqaran oo La Midaynaayo

Gudida Abaaraha Gobalada iyo Heerqaran oo La Midaynaayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost):-kulan lagaga hadlayey midaynta taakulaynta gargaarka la gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada somaliland.

Kulanka ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay xoghayaha guud ee golaha wasiirada somaliland isla markaana ah xoghayaha guddida abaaraha  Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle  waxaanu sheegay in kulankaas lagaga wada hadlayey sidii loo midayn lahaa taakulaynta la gaadhsiinayo dadka abaaruhu saameeyeen.

blank blank
blank blank
blank blank

Xoghaye Sharmaarke oo faah faahin ka bixinaya go,aamada laysla qaatay ee kulankaasi ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “
1- Kadib markii dalku galay xaalad xaaluf iyo xoolo la’aan ah abaartuna u muuqatay mid daba dheertay

2-      2- Kadib markii guddidu isla aragtay kaalinta  qorshuhu u leeyahay quudinta

3-     3-  Kadib markii guddidu isla garatay qiimaha ay leedahay midaynta

·         Xoogga,  Xeelada, Xoolaha, Xogta iyo Xidhiidhku  u leeyihiin in la helo qorshe cad oo lagu hawl galo.

4-      1- Guddidu iyagoo  ka taxadaraysa  in  arin xumo abaar ka darane  ay dhacdo in  deegaanada qaarna  mucaawinooyin  badan la iska daba geeyo halka deegaan u dhawna gaajo loogu go’ayo

5-      2- Guddidu Iyagoo ka  baaqsanaya  in habqan iyo farsamo xumo badan ka dhacdo isdhex qaadka mucaawinooyinka bulshada, hay’adaha samafalka iyo gurmadka dawladuba

Guddidu waxay go’aamisay sidan soo socota:

1-      1- In la adkeeyo xidhiidhka guddiyada heer gobol la leeyihiin guddida heer qaran, halkaas oo laga  bilaabay guddida heer gobol ee Awdal/Salel maadama xaalada ugu adag maanta deegaankooda ka taagan tahay.

2-     2-  In jihaynta iyo ogolaashaha rasmiga ah ee qaybinta deeqaha ay yeelan doonaan guddida heer qaran oo u maamul daadajin doona heer gobol si looga baaqsado habqan iyo isdhex-qaad

3-      3- In dhawaan qoraal amar ah laga soo saari doono hay’adaha khayriga ah ee ka dhago-adayga in ay u hogaansamaan amarada guddida ee nasteexa ah.

4-      4- Guddidu waxay cod dheer ku adkaynayaan  in bulshadu is wada saamaxaan sidoo kalena towbada iyo dembi dhaafka badiyaan si deeqda Alle oo kaliya ayaa lagu kaaftoomaye uu inoogu naxariisto

Waxaa sidoo kale isna goobta hadalo duco iyo dareen badan ka muuqdo ka jeediyey Khadiibka Masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole isagoo xusay sida ay maanta lagama maarmaan u tahay in dhinaca iyo dhabarka la isa saaro isla markaana dhan looga wada jeesto lahaa abaartan aafada noqotay taasoo dad iyo duunyaba damaqday.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL isla markaana xubin ka ah guddida heer qaran ee taakulaynta aabaraha Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kulankan soo xidhay ayaa si adag uga hadlay hay’adaha khayriga ah ee aan tallo iyo tillmaam ka qaadanayn guddida heer qaran isagoo xusay in  ay taasi keentay farsamo xumo iyo faro-ka bax waxaanu Wasiirku u mahadceliyey cidwalba oo gacan iyo garab ka gaysatay gurmadka loogu jiro dadka walaalahood ah ee aan biyo iyo baad toona haysan waxaanu xusay in  gurmad  ka kooban 3,000 oo qoys ay  maalmahan ka bixi donnaan  Caasimada Hargeysa kuwaas oo u  sii jeeda deeganada  Awdal/Salel isagoo adkeeyey doorka xukuumadu kaga jirto  gargaarka loo fidinayo dadkaas abaaraha la ildaran.Gudoomiyaha Guddida gurmada abaaraha ee gobolada Awdal/Salel Sheekh Maxamed Daahir Dhawal ayaa isaguna goobta ka xusay muhiimada xidhiidhku leeyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in cuddud iyo caqliba maanta la isku daro isagoo xusay kaalinta guddida heer qaran kaga jirto dedaalka iyo gargaarka loo fidinayo dadka abaaruhu halakeeyeen isla markaana duco iyo amaan u jeediyey cidwalba oo deeq iyo damqasho u hibaysay dadkaas xoolo iyo xoog-ba beelay

Wasiirka ayaa  sidoo kale duco iyo amaan u soo jeediyey warbaahinta kala duwan ee ku hawlan baraarujinta dadka isagoo sidoo kalena ka codsaday in ay dedaalka sii laba-laabaan,

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa noqonaya  mid imanaya xili loo baahnaa isla markaana bilow wanaagsan u noqon doonaa qorshe iyo quudin wada socda iyo xoog iyo xeelad wada shaqaynaya.

Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Taakulaynta Abaaraha. 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories