HomeGudhubaa-gadhaa afka wada-guracan, ereyada gefka ah kuma badisee garo

Gudhubaa-gadhaa afka wada-guracan, ereyada gefka ah kuma badisee garo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWaxa yaab ah oo yaabka-yaabkiis ah cayda sida dharka loo xidhanayo iyo hanjabaadda xadhka goosatay kuna socota madaxweynaha iyo reerkiisa guud, aan u kala qaado saddex qolo:-

1 ) Qolo maskax-guurkii doorashadi 2017 wali la dawakhsan, wax daweeyana weyday

2 ) Qolo kuwaas hore Role Model u yihiin oon “Ishta la barin”

3 ) Iyo kuwo madaxweynaha reerkooda ahaan loo adeegsanayo oon hami raganimo lahayn iyo garasho dheer oo mijinta qaadka ah ku siman

Aan u soo noqdo qolada hore, xooluhu waxay maraan sadex nololood 1) mar waa cosob daaq 2) marna waa calyo daaq 3) marna waa celiyaay-mariyaay o ah markay xaab dhulka ka qaadi waayaan ay meelwalba madaxa ku dhuftaan waa kuwaa xaalkoodu marayo shirbeeleed baanu ku dhawaaqi 2022 “ka salaamiyo yaab.

2) Waa qaar aan “ishta la barin” oo laamida soo raacay kana muuqato badawnimada halka ugu danbeysa qayladu waa ismuujin kalsooni la’aani hageyso laakiin dharka loo xidhay akhlaaqdi shicibka magaalada dhexdiisa iyo xishoodki way ka madhanyiin kuwaa waxanu leenahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa layidhaa mici-maraar loogana jeedo wuxu qabto dib looguma yeedho ninku markuu 40 sanadood siyaasad ku so jiro adigu u magac bixi “tolow yaw sheega”

3) Waa qaar aan “qashar ugu jirin” ninka reer miyiga ahi waa colaad u joog goor walba markaa marwalba waa inuu haystaa qorigii iyo xabadihiisi o waliba qaar dhuunta ugu jiraan ninka aan xabado haysan ayaa reer migigu markay mid dhaliilayaan ayey odhan jireen hebel “qashar uguma jiro”wa caqli gaab ku idhiyaa

Waa qaar sida huuryada xoolaha qoonta loo adeegsado cayda madaxweynaha, qaar hamigii ka dhintay o qaar ku qanceen mujaahid hebel. waa kuwa raganimo kaga hadhay oo horjooga Maansoor si ay u sugaan gabbaati iyo inan la meherinayo.

Waa kuwa xildhibaanadii soo saari kari waayey intii loo dirayey cayda madaxweynaha.

Kuwaasi hayga gudooman tuducan:

“Nimankii abtirsiintiyo ehelkooda yiqiin alle hawnaxariiste ifka wey ka tegeeno

Uu asoolka shisheeye niman aad u yaqaaniyo

Axal aan naf lahaynba albaabada hada taagan

Erey aan dux lahayno=axmadow nin shisheeye

Ka yidhaaho afkiisiyo-sacabkay alwiyaan

Hadaan ku noqdo micnaha ciwaanka maqaalka waa “alle waraabow maxaan muu kaa maqlay”

 

Dhawrkan tuduc Waxan u hibeeyey madaxweynaha:

Jiilaal hawaarsaday=dadka o haraad qaba

Awrku heeryadi dhigay=duunyadiina hoobteen

Hogoshi u curate=haro wada biyeyse

Raha ciida hoosiyo= shimiruhu u heeseen

Hoodaale yaad tahay

Hayin aan dakaamayn=ubad loo dulhooyiyo

Habasaha kaliilaha=damal la hadhsadad tahay

Geesigi haldoorke maalintay haboonayd

Fule u ka haajiray noo hiiliyad tahay, noo hagar baxaad tahay

Hooto caana badanoo= horaadada nasiisiyo

Haadi camal -san baad tahay

 

Somalilandeey laguuma baqo

Guuuuul Somaliland

Dal- jir Ibraahim Aadam Cilmi-galaan (Qumaash)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories