HomeGuddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Sool oo Burco lagu aasay iyo wasiir Xaabsade oo...

Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Sool oo Burco lagu aasay iyo wasiir Xaabsade oo gaadhay Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Burco,  (SLpost)- Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sool Ibraahim Axmed Muuse ayaa shalay lagu aasay magaalada Burco, ka dib markii uu habeen hore u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay weerar ay la beegsadeen dabley aan la aqoonsani magaalada Laascaanood.

Alle ha u naxariistee aaska marxuumkaas waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo oo Illaahay uga baryay inuu naxariistii Jano ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale, iyada oo aan ilaa hada la garanayn cid rasmiyan uga dambaysay dilka masuulkan, ayaa ciidamada amaanka Somaliland hawlgallo balaadhan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood waxay ku soo qabqabteen dad lagu xidhiidhinayo falal amaan-darro ah oo ka dhan ah magaalada. Dad sheegay inay goob-joogayaal yihiin ayaa sheegay inay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen ilaa toban qof oo la tilmaamay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dilkii lagu khaarajiyay guddoomiyihii maxkamadda rafcaanka gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa la sheegay inuu shalay gaadhay magaalada Laascaanood. Hase yeeshee, lama sheegin in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho dilkii Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka iyo falalka amaan-darrada ah ee guud ahaan gobolkaas. Balse, Md. Xaabsade oo waqtiyadii ugu dambeeyay u muuqday inuu saluugsanaa hanaanka geedi-socodka nabadgelyada iyo amaanka gobolka Sool, ayaa la garanyn talaabada uu qaadi doono.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories