HomeGuddoomiyihii Hore Maxkamadda Sare Oo Xil Ka-qaadistiisa Ku Tilmaamay Sharci-darro

Guddoomiyihii Hore Maxkamadda Sare Oo Xil Ka-qaadistiisa Ku Tilmaamay Sharci-darro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday, isla markaana maanta cod aqlabiyad ah labada gole fadhi ay yeesheen ugu codeeyeen, kuna xalaaleeyeen xilka qaadistaas ayaa ku tilmaamay erigiisa mid sharci darro ah, isla markaana aan loo marin dastuurka qaranka iyo dariiqii saxda ahaa.guddoomiyaha maxkamada sare

Yuusuf Ismaaciil Cali la hadlay idaacada BBC, laanteeda afka Soomaaliga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu baal-maray sharciga dalka, isla markaana xil-qaadistiisu ahayd mid qayru dastuuri ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare in xil-qaadistiisa ay sababeen dad damac siyaasaddeed iyo dano gaar ah lihi. “Xil ka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare labadaba waxa koobsanaya qodobka 105 ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland, marka uu madaxweynuhu doono inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda sare, waxa uu u gudbinayaa labada, fadhi iyo naaqishaad ka dib sababaha uu madaxweynuhu soo sheegay waxay awood u leeyihiin inay aqbalaan iyo inaanay aqbalin. Arrintan imika ee xil ka qaadistayda looma marin dariiqaas, qodobka saddexaad waxa uu odhanayaa madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa guddoomiyaha maxkamadda sare isaga oo u baahan ogolaanshaha golaha wakiillada iyo golaha guurtida.” ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu intaas ku daray.  “Taydana waxa horeysay xil ka qaadistayda, isagoo ku sababeeyay guddida cadaaladda ila shaqayn kari waayay, arrintaas oo ah sharci-darro, guddida cadaalada waxa uu la tashanayaa marka uu doonayo inuu magacaabo guddoomiye maxkamadda sare oo uu shuruudaha qodobka 105 cuskanayaa, arrinta xil ka qaadistu waa qayrul dastuuri isaga oo aan haysan labada gole ogolaanshahooda. Maanta arrinta ay u codeeyeen waxaan filayay inay marka hore ajandahooda ku darsadaan oo ay dood ka galaan, digreetadan madaxweynuhu dariiqii sharciga ahaa ma idiinku timi, mise idiinkumay iman.”

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare oo ka hadlay waxa sababay xil-qaadistiisa waxa uu yidhi. “Maxkamaddaha go’aannadooda ayaa kala dambeeya, go’aankana haddii lagu qanci waayo waa cabasho, waxaanay cabashadu imanaysaa maxkamadda sare, cabashaduna maaha mid madaxtooyada loo qoranayo ama uu madaxweynuhu ku sababayn karo cabashada dadweynaha, xabsiyadana lagama soo caban. Damac dad isku haya oo dan gaar ah leh ayaa cabashada loo tixgeliyay waxna la igama waydiin.”

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories