HomeGuddoomiyihii hore ee Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Xilka Ku Wareejiyey Maamul Cusub...

Guddoomiyihii hore ee Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Xilka Ku Wareejiyey Maamul Cusub Oo Degmada loo Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddoomiyihi hore ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, Maxamed Salaan Maxamed (Subeer) ayaa maanta xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee degmada Mustafe Ibraahim Aadan (Mustafe Xayle) oo xilka loo magacaabay.

Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa toddobaadkan isku shaandheyn ku sameeyey Guddoomiyeyaasha degmooyinka Caasimadda iyo xilalka masuuliyiinta sare ee Dowladda Hoose, kuwaas oo isku beddel, dallacsiin iyo shaqo-ka-fadhiisin lagu sameeyey.

Guddoomiyihii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed (Subeer), ayaa loo dallacsiiyey Xilka Agaasimaha Cashuuraha ee Dowladda Hoose halka Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Ibraahim Koodbuur uu hore u ahaa Guddoomiyaha Degmada 31-ka May Oo laga soo beddelay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur ayaa maanta xilka ku wareejiyey munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta maamulka degmada Ibraahim Koodbuur, waxaana ka qayb-galay Xildhibaanno, Guddiga horumarinta degmada, madax-dhaqameed, Ganacsato, Haween iyo Marti-sharaf kala duwan.

Xubno ka mid ah Guddiga Horumarinta Degmada Ibraahim Koondbuur, ayaa Guddoomiyihii hore ku ammaanay inuu horumar iyo wax-qabad taaban karo oo ku tallaabsaday muddo laba sanno ah oo uu hayey xilka guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur. Waxa kale oo ay guddoomiyihii hore ku bogaadiyeen isku-xidh iyo wax-wada-qabsi ay sheegeen inuu u horseeday bulshada ku dhaqan degmada Ibraahim Koodbuur, waxaanay ku sagootiyeen duco iyo niyad-samaan.

Guddoomiyihii hore ee Maxamed Salaan Subeer oo munaasibadda ka hadlay, ayaa guddiga horumarinta, Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo bulshada ku dhaqan degmada Ibraahim Koodbuur uga mahad-celiyey sida ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxaanu ku booriyey inay soo dhaweeyaan, si wanaagsanna ula shaqeeyaan maamulka Cusub ee degmada loo magacaabay.

Mr Subeer oo hore u soo noqday guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ka hor intii aan loo magacaabin degmada uu xilkeeda maanta wareejiyey, waxa uu maayrika caasimadda uga mahad-celiyey inuu mar kale u magacaabo xil muhiim u ah horumarinta adeegyada ay Dowladda Hoose ee Hargeysa u hayso bulshada.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Ibraahim Koodbuur Mustafe Ibraahim Aadan (Mustafe Xayle), ayaa ballan-qaaday inuu halkaas ka sii amba-qaadi doono wax-qabadka maamulkii ka horreeyey, waxaanu guddiga horumarinta iyo bulshada ku dhaqan degmada ka codsaday wada-shaqayn hufan

Gebo-gabadii, Maamulkii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur, waxa uu si rasmi xilka ugu horreeyey maamulka Cusub ee degmada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories