HomeGuddoomiyihii hore ee Degmada Faraweyne oo xilka ku wareejiyey Madal Wax-qabadkiisa looga...

Guddoomiyihii hore ee Degmada Faraweyne oo xilka ku wareejiyey Madal Wax-qabadkiisa looga Markhaati-kacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuddoomiyihii hore iyo Axmed XAashi Oday“Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa inaad guddoomiye Faysal noo dallacsiiso oo aad noo gaadhsiiso heer badhasaab, waayo wuxuu muujiyey…” Axmed XAashi Oday

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore iyo guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Fara-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta ka qabsoontay xarunta maamulka degmada.
Munaasibaddan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka muuqatay diyaar-garow iyo xil-wareejin muuqaal ahaan ka duwan kuwa inta badan maanta xilalka kula kala wareegeen masuuliyiinta heer degmo ee madashan la faca ah, waxa ka qayb-galay Wasiirro, masuuliyiin xilal sare ka haya xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan golaha Deegaanka Caasimada, mudaneyaal ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, wax-qabad iyo Marti-sharaf kale.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, waxaanay soo dhaweeyeen Guddoomiyaha Cusub ee Degmada loo magacaabay, halka ay sidoo kale hadalkooda kaga markhaati-kaceen wax-qabadkii uu degmada ku soo kordhiyey Guddoomiyihii hore ee degmadaas Md Faysal Maxamed Jaamac oo ay ku tilmaameen inuu si weyn uga qayb-qaatay horumarka degmada isla markaana uu soo kordhiyey wax-qabad aanay inta badan ku tallaabsan masuuliyiinta heer degmo ee ka hawl-gala qaybaha kale ee gobollada dalka.
Guddoomiye Faysal Maxamed Jaamac oo noqonaya guddoomiyihii 11aad ee ay yeelato degmada Fara-weyne tan iyo markii loo magacaabay derajada degmanimo isla markaana noqonaya gudoomiyihii ugu muddada dheeraa, waxa wax-qabadkiisa ka marag kacay dhammaan masuuliyiintii goobtaas ka hadashay oo qiray inuu degmada ku soo kordhiyey wax-qabad ka sarreeya hanka guddoomiyenimo ee degmada uu masuulka ka yahay marka loo eego degmooyinka la derajada ah ee dalka.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa halkaas ka sheegay in guddoomiyaha xilka wareejinayaa uu madasha keenay buug ka kooban wax-qabadkii uu degmada ka hirgeliyey oo sida uu sheegay La-taliyuhu aanu hore ugu arag masuuliyiinta xilalka ka soo qabtay degmooyinka la-derajada ah.
“Faysal wax-qabadkiisii iyo wixii degmada ku soo kordhiyey buuggan ayay ka muuqataa, waxa kale oo buugga ka muuqata in degmadu ay leedahay Astaan u gaar ah oo sida aan filayo isagu sameeyey. Waxa aan ka filayaa inuu guddoomiyaha cusubina inuu kartidiisa iyo awooddiisa geliyo magaalada oo uu ka sii amba-qaado halkaas la soo gaadhsiiyey,” Sidaas ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda degmada Faraweyne iyo qiimaha ay ugu fadhido dalka, waxaanu halkaas ugu soo jeediyey guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay inuu soo qorsheeyey baahiyaadka dhanka biyaha ee degmadiisa isoo la kaashanaya odayaasha iyo wax-garadka degmada, isagoo isaguna wasiir ahaan ballan-qaaday inuu si buuxda wax-qabad ula barbar-taagan yahay baahiyaadka dhinaca horumarinta biyaha.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Axmed Xaashi Oday, ayaa qiray wax-qabadkii uu degmada ka fuliyey guddoomiyihii hore ee degmada Faraweyne Mr Faysal Maxamed Jaamac, waxaanu guddoomiyaha cusub ku dhiiri-geliyey inuu halkaas ka sii amba-qaado wax-qabadka uu ku tallaabsaday guddoomiyihii hore.
“Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa inaad guddoomiye Faysal noo dallacsiiso oo aad noo gaadhsiiso heer badhasaab, waayo wuxuu muujiyey dedaal dheeraad ah iyo karti uu karti uu ku mideeyey bulshadii uu maamulayey muddadii uu xilka hayey,” sidaa waxa yidhi Md Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay munaasibaddaas.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha tuulooyinka hoos-yimaadda maamulka degmada Fara-weyne, iyagoo halkaas ka qiray dhammaantoodna isku raacay wax-qabadyadii uu guddoomiyihii hore, waxaanay soo dhaweeyeen guddoomiyihii Cusub ee xilka la wareegay oo ay ugu duceeyeen in Eebbe (SWT) xilka ku asturo.
Guddoomiyihii hore ee Degmada Faraweyne Md Faysal Maxamed Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay wax-qabadyadii uu degmada ku soo kordhiyey muddadii uu xilka hayay, isagoo halkaas ka sheegay inuu si niyad-sami iyo turxaan la’aan ah xilka ugu wareejinayo masuulka cusub ee beddelkiisa loo soo magacaabay.
“Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta xilka ku wareejiyo si niyad-sami ah. Dhammaan wixii wax-qabad ahaa ee arrimaha Bulshada Ilaahayna waan la kaashaday, xukuumaddii horena waan la kaashaday. Waxaan filayaa inaanay jirin waxaan dhaafay, koley bani’aadamna waan ahayn, wixii i seegay waxaan ka rejaynayaa inuu walaalkeyga xilka igala wareegayaa halkaas ka sii wado,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Faraweyne Md Maxamed Abiib Cismaan (Siikaawi) oo halkaas ka hadlay ayaa halkaas ka ballan-qaaday inuu wixii awooddiisa ah halkaas ka sii wadi doono wax-qabadka degmada, waxaanu ka codsaday in shacabka degmadu ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen guddoomiyihi hore.
HOOS KA DAAWO  MUUQAALKA XIL-WAREEJINTA EE LABADA GUDDOOMIYE
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories