HomeGuddoomiyihii gobolka Selal oo xilka laga qaaday iyo magaca Guddoomiye cusub oo...

Guddoomiyihii gobolka Selal oo xilka laga qaaday iyo magaca Guddoomiye cusub oo loo magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka Selal, isla markaana magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolkaas.

Waxaana sidaa lagu sheegay war qoraal ah oo caawa ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeen madaxweynaha Cabdillaahi Cukuse, waxaanu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul.

Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1081/052012 ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal. Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:               Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:         Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:     In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Salal;

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku Qancay:        In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XILKA QAADIS

Mudane,

Maxamed Muuse Bucul. Aniga oo kaga mahad celinayaa mudadii aad Xilka Gudoomiye-nimada ee Gobolka Salal  aad soo waday hawshiisa, waxa aan Go’aansaday laga Bilaabo Taariikhda ku Cad Digreetadan in aan kaa qaado Xilkii Gudoomiyaha Gobolka Salal.

Iyada oo sunaha Dawladnimo ay tahay Dabcigiisa in xilku yahay meerto, sidaa awgeed waxa aan ku farayaa in aad Sida ugu haboon xilkii ugu wareejiso Masuulka Cusub ee aan u igmaday in uu xilkaasi ka sii amba qaado halkaa.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories