HomeGuddoomiyihi Komishanka ee Gobolka Sool oo Aas Qaran loogu sameeyey Laascaanood iyo...

Guddoomiyihi Komishanka ee Gobolka Sool oo Aas Qaran loogu sameeyey Laascaanood iyo Xukuumadda Somaliland oo Digniin soo saartay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Laascaanood (SLpost)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa gelinkii dambe ee maanta aas qaran loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sool Marxuun Cabdilaahi Laba-go’le oo dab-ley hubaysani xalay ku dishay badhtamaha magaaladaas.

Maamulka Gobolka Sool, Isimo, madax-dhaqameed kale iyo Haldoorka Magaaladaasi, ayaa ka qayb galay aaska loo sameeyay Gudoomiyihii Komiishanka doorashooyinka ee Gobolka Sool.

blankXubno kala duwan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Laba-go’le uu Taariikh wanaagsan ku leeyahay Gobolka Sool, isla markaana uu shaqo badan u soo qabtay dalkiisa, waxaanay haldoorkani ka dalbadeen Maamulka Gobolkaas iyo Ciidamada ammaanka inay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo dhigaan gacan-ku-dhiiglayaasha falkaas ka danbeeyay.

Waxa kale oo ay bulshada gobolkaasi ugu baaqeen inay Ciidammada ammaanka gacan ku siiyaan Sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood, ayaa ka hadlay dilka Marxuumka iyo falal amni-darro oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo kordhay gobolka.

blank“Laamaha amaanka ee gobolka Sool noocyadoodda kala duwan waxaan farayaa, in sidii aanu horeba waajibaadka ugu kala qaadanay, in cidii gaysatay dilka guddoomiyihii komishanka dooraashooyinka ee Sool iyo dhagar qabeyaashii dilkaasi gaystay, in ay si deg deg ah u soo qabtaan. Baadhitaan rasmiya oo buuxana ay sameeyaan,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood.

“Waynu aragnaa maalin walba waxaa dhacaysa in haldoorkeena lagu dilo magaaladda gudaheeda oo aynu nidhaahno maanaan arkayn, iyo maanaan maqlayn. Waxaa la rabaa, maalinba nin bay ku dhacaysaa in aynu arrintaasi maanta taa C/laahi, ku dhacday, meeshay gashaba, in aynu kaga daba galno, oo ay noqoto tii aynu isku daba qaban lahayn,” sidaana waxa yidhi maayarka magaalada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay maanta.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories