HomeGuddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo si Wada-jir ah uga Digay Dub-u-dhac ku yimaadda...

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo si Wada-jir ah uga Digay Dub-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha labada Xisbiga Mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa si wada-jir ah qalinka ugu duugay war-qad xambaarsan aragtidooda ku aaddan Qabsoomidda Doorashooyinka iyo Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, taas oo ay u direen Guddida Shookaanta u haysa Barnaamijka Dimuqraadiyadda ee (DPSC) oo wakiil ka ah Beesha Caalamka ee Taageerta Doorashooyinka Somaliland.

Labada Guddoomiye Mucaarad waxa ay sidoo kale war-qaddooda ku socodsiiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warqadda ay wada-jirka u direen Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad oo ka kooban todobada Qodob, ayaa deeq-bixiyeyaasha Caalamka looga mahad-celiyey taageerada joogtada ah ee ay ku gacan-siiyaan Somaliland qabsoomidda Doorashooyinkeeda iyo nidaamka Dimuqraadiyadda ee Dalka.

Laba Xisbi Qaran waxa ay walaac ka muujiyeen inay qabsoonto Doorasho xor iyo Xalaal ah haddii aan la helin diiwaangelin lagu sameeyo cod-bixiyeyasha ka qayb-qaadanaya doorashooyina Soo Socda. “Waayo-aragnimadii laga kasbaday Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee natiijadeeda qalalaasuhu ka dhashay, ayaa digniin khatar ah noogaga filan doorashooyina soo socda. Labada Xisbiga Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo taxaddiraya khatartahaas, waxa ay kala kaashanayaan, wada-shaqayn-na kala yeelanayaan Cidda ay khusayso ee Gudaha Dalka, si loo dhabbaha loogu sii xaadho qabsoomidda doorasho xalaal ah oo natiijo caafimaad qabta ka soo baxdo,” sidaa waxa lagu sheegay war-qadda ay wada-jirka u saxeexeen labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ah.

Faysal iyo CirroQoraalka ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ahi wada-jirka ugu direen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gudaha iyo Debedda, waxa kale oo lagu sheegay in UCID iyo Waddani ay u hoggaansan yihiin Heshiis ay si wada-jir ah u saxeexeen dhinacyada doorashadu khusayso bishii todobaad ee sannadkan, kaas oo nuxurkiisu  ahaa qoraal axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumaddu u gudbiyeen qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka, lagagana dalbadanayey inay taageeraan dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadka 2015-ka iyo Diiwaangelinta Madanig ah.

Waxa kale oo qoraalka warqadda lagu sheegay in Xisbiyada UCID iyo Waddani ay danaynayaan kaliya Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo tayo leh si loo helo natiijo xor iyo xalaal ah oo ka soo baxday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee loo muddeeyey badhtamaha sannadka 2015. Labada Xisbi Mucaarad waxa kale oo ay dhiirigeliyeen in diiwaangelinta Codbixiyeyaasha dalka laga hirgeliyo inta ka horgeysa 31 December, 2014.

“Ujeeddada aasaasiga ah ee ay labada Xisbi u taagerayaan diiwaangelinta waxa weeye si loo xaqiijiyo xaquuqda Dastuurku muwaadiniinta u siinayo in qof walba uu codkiisa dhiibto hal mar,” ayaa lagu sheegay warqadda ay wada-jirka u saxeexeen guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad.

Guddoomiyeyaasha Xisbiga UCID iyo Waddani, waxa ay xuseen in Guddiga Doorashooyinka Qaranku yahay hay’ad masuuliyaddeedu tahay inay maamusho geeddi-socodka doorashooyinka iyo sidoo kale diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taas oo kala shaqaynayaan Axsaabta Qaranku, balse waxa ay sheegeen in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ururrada Bulshada rayidka ahi doorkoodu yahay inay ku taageeraan oo kaliya.

Laba Xisbi Mucaarad waxa kale oo ay ka digeen dib-u-dhac ku yimaadda wakhtiga Doorashooyinka loo muddeeyey sannadka 2015, iyo muddo kordhin oo sameeyey muddada xilka madaxweynaha iyo Baaralamanka.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories