HomeGuddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo Qaaddacay Muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Wakiillada

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo Qaaddacay Muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka soo horjeestay go’aan Golaha guurtidu maanta muddo Kordhin Laba Sanno oo laba bilood dhiman ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Somaliland.

Labada guddoomiye oo maanta saxaafadda la hadlay, kaddib go’aanka Golaha Guurtida, ayaa sharci-darro ku sifeeyey muddo kordhintaas, iyaga oo ku dooday inuu yahay go’aan cawaaqib xumo u keenaya Somaliland oo kaga iman kara Beesha caalamka ah.

faysal cirroGudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey Muddo-kordhinta Guurtidu Qalinka ku duugeen, waxa uu yidhi, “Horta Somaliland waxay u tahay maanta Maalin madow, Maalin Murugo leh weeye. Nimanka halkaas fadhiya ee Guurtidu maanta Somaliland way dileen, iyagu waxay isleeyihiin idinkuna nasteexaysta, Wakiilada u nasteexeeya oo Xukumadda u nasteexeeya laakiin qarankii way dileen. Waxa weeye Guurtidu markeeda horeba bilaa Sharci ayay ahayd, Wakiiladuna 5 sannadood ayay bilaa sharci ku fadhiyaan. Labadaas goleba waxay ku fadhiyaan Xaaraan waxay soo saaraana maaha wax dhaqan gali kara oo sharci ah. Arrinta Guurtida ka soo baxday waxay inoo sheegaysaa inaan Odayaashaas iyo Caruurtaas Aabayaashood Kuraasta ka dhaxashay  aanay dal iyo dad toona u danayn ee ay dantooda ka fikirayaan.”

“Guubaabadii iyo taladii aanu sheegnay haddii nalagu diiday anagu waxaanu ku soo noqonay wakhtigii Komishanka ee ahaa 1-da June 2016-ka ee Saddexda Xisbina hore u ogolaadeen, Arrintuna waxay maanta hor taalaa Madaxweynaha Somaliland oo ilaa 26-ka June 2015-ka Sharci ku fadhiyaya.Bari ayay Imanayaan wefti Beesha caalamka ka socda ee haddii Madaxweynuhu isla caawa soo saari waayo Digreeto uu ku deedifaynayo Go’aanka guurtida bilaa sharciga ahi soo saartay oo uu ku ogolaanayo wakhtigii Komishanka waxaa noo caddaanaysa inaan Xukumaddiina shaqaynayn, markaa kol haddii Xukumaddii fulinta ahayd shaqayn wayday, Wakiiladii la soo doortay Sharci darro tahay, Guurtidii 23 sanno fadhido waxaa dadka la gudboon wadatashi qaran si dawlad dadka badbaadisa oo shaqaysa loo dhiso,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isna sheegay inaanay go’aankan aqbali doonin, waxaanu yidhi, “Go’aankaasi waa mid aanu Xisbiga Waddani aqbali karrin. Waxaanu qabnaa in lagu noqdo 1-da June 2016-ka si doorasho wakhtigaas loo qabto. Waxay ila tahay Xalka furan ee go’aanka guurtidu waxa weeye in Madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyo sidii loogu noqon lahaa go’aankii Komishanka ee ahaa 1-da June 2015-ka, Beesha caalamkuna ay gacan buuxda nagu siiso si go’aankaas loogu noqdo.”

Guddoomiye Cirro waxa uu ku dooday, “Go’aanka guurtidu gaadhay waa go’aan heshiiskii iyo khilaaf la’aantii Somaliland ku bedelaya in khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayni Somaliland ka abuurmo. Waa go’aan Somaliland galin kara gadoon caalami ah, waxaad ka warqabtaan in Saaxiibada daneeya hanaanka dimuqraadiyadda Somaliland ee Caalamku inagu soo noqnoqonayeen oo maantadan ay imanayaan iyagoo safiirka midawga Yurub hogaaminayo. Go’aankaasi wuxuu sabab u noqon karaa in Somaliland waydo Kalsoonida Beesha Caalamka,” Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Go’aankaasi wuxuu micno tirayaa hanaankii dimuqraadiyadda ee Somaliland ku soo dhaqmaysay. Go’aankaasi wuxuu ka soo horjeedaa  rabitaanka Shacbiga Somaliland, sida Salaadiintu muujisay ee shacbigu muujiyay ee asxaabtu muujisay. Golaha guurtida oo ku suntanaa la dagaalanka khilaafku, wuxuu go’aankaasi muujinayaa in markii u horaysay uu khilaaf abuurayo abuurina doono.”

Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa isagu soo dhaweeyay go’aanka guurtidu wakhtiga ugu kordhisay Xukumadda, waxaanay sheegeen inay ku bogaadinayaan Odayaasha guurtida go’aanka ay ka qaateen Muddo kordhinta maadaama wakhtigu ka dhamaaday Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories