HomeGuddoomiyeyaasha Xisbiga UDUB ee Gobollada dalka qarkood oo taageeray murashaxnimada Aqoonyahan Jamaal...

Guddoomiyeyaasha Xisbiga UDUB ee Gobollada dalka qarkood oo taageeray murashaxnimada Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 09 Jan, 2012 (SLpost)- Guddoomiyayaasha Gobolada Maroodijeex, Saaxil iyo Awdal ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa taageero buuxda siiyey Murashaxa Jagada Madaxweynanimada  ee Xisbiga UDUB Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kadib markii cod aqlabiyad ah ku doorteen guddida fulinta ee Xisbigaasi.

Guddoomiyayaasha oo magacyadoodu kala yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UDUB Md. Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar), Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md.Cabdicasiis Xuseen Raagge, iyo guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Saaxil Maxamed Cumar Cabdi ayaa shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay si wada-jir ah u shaaciyeen inay aqoonsan yihiin Murashaxnimada Jagada Madaxweynanimada ee Xisbiga UDUB Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kadib markii fulinta ee Xisbigu cod aqlabiyad ah ku doorteen.isla markaana waxay beeniyeen war ku soo baxay joornaalada oo sheegayey inay ka garnaqeen wax ay ku tilmaameen khilaaf ka dhex aloosan Xisbigaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu taageeray murashaxa jagada madaxweynanimada ee Xisbiga UDUB Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo ay cod qalabiyad ah ku doorteen inay guddida fulinta ee Xisbiga UDUB.

Md. Cismaan Waxar ayaa uu been abuur ku tilmaamay niman kooxa sheegatey inay ka garnaqeen khilaafka ka jira Xisbiga UDUB,waxaanu yidhi “Waxaan umadda u cadeynayaa inay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn niman uruurisa oo magacyo aan jirin isku sheegay, qaar kalena ka been abuurtey oo joornaalka ku soo qorey sida ay leeyihiin qoraalada ay leeyihiin waa na loo soo gudbiyey, waxay nimankaasi ku doodeen inay garnaq iyo garsoor Xisbiga UDUB oo kala jabay ay u garnaqeen, iyaga oo magacyadayada soo qaatey oo ku xusay inaanu kala mid ahayn, go’aankan ay sheegayaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Saaxil Maxamed Cumar Cabdi ayaa waxa uu sheegay inuu taageersan yahay oo ay sharci tahay murashaxnimada jagada madaxweynanimada ee Xisbiga UDUB aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay guddida fulintu dooratey. : “Waxaanu leenahay inanka marka ay muddadu ka dhacdo wakhtigii loo baahna inuu musharax noqdo dhexdiisa, Xisbigu u xidhnaan maayo, oo jeel maaha waxa uu sharaxayaa ciddii raali ka ah ee Xisbiga raaligelin u haysa ee doonaysa nolosha xisbiga ayaa la sharaxayaa.”

“Waxaanu u sheegaynaa bahweynta UDUB inuu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu yahay murashaxa madaxweynaha oo ay caddeysay guddida fulinta ee Xisbiga UDUB oo ay 23-xubnood ay doorteen oo guud ahaan ka kooban 43-xubnood”. Ayuu yidhi

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md.Cabdicasiis Xuseen Raagge oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “War been abuur ah oo ay niman soo qoreen oo ay isku sheegeen guddi is-magacowday oo la xidhiidha xalinta khilaafka Xisbiga UDUB,waxaanu leenahay waa war aan sal ito raad toona lahayn, iyaga oo magacyadayadii ku daray”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan u sheegayaa oo aan shacbiga weynaha reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UDUB ka raaligelinayaa inaanay waxaasi jirin oo ay been abuur tahay,”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories