HomeGuddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad oo Ka hadlay Guusha ay ka Gaadheen Qabsoomidda...

Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad oo Ka hadlay Guusha ay ka Gaadheen Qabsoomidda Doodda Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan mowqifka midaysan oo Xisbiyadu Qaranku iskula ogolaadeen qaabka loo qabanayo Doodda Qaran, ka dib kulamo sulux ah iyo dhex-dhexaadin laysaga dab-qaaday Xukuumadda iyo Axaabta Qaranka oo muddooyinku u dambeeyey isku mari la’aa arrintan.

 Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddoomiyaha Akedemiyadda Nabadda ayaa arrintan ku faahfaahiyey shir-jaraa’id oo ay maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabteen magaalada Hargeysa ka dib kulmo dhinacyo badan oo maalmihii u dambeeyey lagu soo af-jaray muran ka dhashay qaban-qaabada Dood Qaran oo axsaabta siyaasaddu ku baaqeen.

faysal cirroGuddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isagu shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, “Arrintii waanu ku heshiinnay, Ajandahii (Dooddii Qaran) iyo Ciddii hoggaaminaysay waanu isla garannay, cid dhex-dhexaad ah oo noo siman ayaanu u dhiibnay, dhinacii UCID, WADDANI iyo MADASHA waanu ka soo saarnay. Waxaanu jecelnahay waliba inta aan Shirka hortiisa la tagin in saddexdayada Xisbi aanu kulano oo aanu qodob-qodob isla dul-taagno oo annaga oo midaysan oo isku feker ah shirka talooyinku ka soo baxayaan aanu tagno.”

Guddoomiye Faysal waxa uu Doodda Qaran qabsoomiddeeda ku tilmaamay markii u horreysay ee metelayaasha siyaasadda iyo bulshada Rayidka ahi isaga yimaadaan Jihaynta masiirka Qaranimada Somaliland, waxaanu rejo fiican ka muujiyey inay natiijo wax ku-ool-ahi ka soo bixi doonto Doodda Qaran. “Waxan aanu qabanaynaa maaha wax dan xisbi ah oo cid lagu xumaynayo; waxa weeye wax dalkeenna u dan ah oo dhaxal-gal ah inay ka soo baxaan ayaanu doonaynaa dooddaas qaran. Taariikhda Somaliland ayay gali doontaa Dooddaas Qaran, maxaa yeelay waa markii u horreysay 22-kaa sanno ee aynu jirnay aynu is-weydiinno maxaa innaga xumaaday, maxaynu yeelnaa? Ilaa maalintii Burco lagu go’aamiyey gooni-isu-taagga Somaliland, mar qudha oo dambe dib layskuma soo noqon oo lama odhan maxaynu yeelnaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa go’aanka ay axsaabta Qaranku wada gaadheen ku sifeeyey mid farxad iyo guul u ah dhammaan shacbi-weynaha Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi,  “Waxay ila tahay go’aankaas midaysan ee xisbiyada qaranku gaadheen uu yahay go’aan muddo dheer shacbiga Somaliland sugayay. Waxa farxad u ah Axsaabta Qaranka iyo Shacbigaba inaynu isla ogolaanay inaynu ka doodno arrimaha ina horyaala ee qaranku leeyahay. Waxaynu isla garannay inay cid dhex-dhexaad ah u dhiibno doodda.”

Md Cirro waxa uu suurto-gelinta iyo kaalintii ay ka geysteen arrintan uga mahad-celiyey hoggaanka Xisbiga Kulmiye, “Waxaan runtii aad ugu mahad-naqayaa geesinimada, laab-xaadhnaanta iyo furfurnaanta ay muujiyeen, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbul-xaakimka iyo mujaahid Maxamed Kaahin oo runtii hawsha wax badan ka qaatay qaybtooda,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu dambayntii u mahadceliyey madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay labadoodu shalay isku soo hor-fadhiisteen, “ Waxaan ugu bushaareynayaa Shacbiga in wixii dhammaystir ah ee ku saabsan axaabtana, way dhammaystirayaan, wixii kale ee xilliga laga qabanayona waxaynu ka sugaynaa akademiyadda Nabadda. Waxaan jecelahay inaan u mahad naqo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo runtii isagana aanu shalay is-aragnay, hawshaasna aanu ka wada hadalnay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories