HomeGuddoomiyeyaasha Kulmiye iyo WADDANI oo Shacabka ku hambalyeeyey Fadliga Munaasibadda Ciidal-Adxaha

Guddoomiyeyaasha Kulmiye iyo WADDANI oo Shacabka ku hambalyeeyey Fadliga Munaasibadda Ciidal-Adxaha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyey dabbaal-degga munaasibadda Ciidal-Adxaha oo Khamiista Berri ku beegan.

Sida lagu sheegay dhambaallo hambalyo oo ka soo baxay Xarumaha Dhexe ee Xisbiyada Kulmiye iyo WADDANI ee Hargeysa, waxa ay labada guddoomiye ugu duceeyeen Shacbiga inay caafimaad-qab iyo barwaaqo ku gaadhaan sannadkan kiisa xiga, intii xannuunsanaysana Eebbe xannuunka ka dul-qaado.

cirro_muuseDhambaalka Hambalyada ee ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka hijriga 1436.

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu munaasibadda Ciidal Adxa ee sannadkan kiisa kale innagu gaadhsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo amni buuxa.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka Ciid-Mubaarik, kullu Caam wa-antum bikhayr.”

Sidoo kale, qoraal kooban oo ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiyada WADDANI, laguna shaaciyey dhambaalka hambalyada ah ee Guddoomiyaha WADDANI oo socdaal ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, laamaha dibadda iyo dhammaanba taageerayaasha xisbiga Waddani ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa dhammaanba umadda Islaamka ah, gaar ahaan Shacabka Somaliland, goleyaasha Qaranka, Xisbiyada, Ganacsatada iyo Culimo aw-Diinka, isaga oo ugu hambalyeynaaya munaasibadda ciidal Adxa awgeed.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaa sida oo kale uu leeyahay shacabka reer Somaliland Ciidal Caafiya, Ciidal Caafiya, Ciid Mubaarak, Kullu-Caam Wa-Antum Bil-Khayr , isaga oo Illaahayna uga baryey in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo, horumar , caafimaad iyo sida oo kale in ay beesha caalamka ka helaan Ictiraaf dhammaystiran. Waxa kale oo uu Eebe caafimaad taam ah u weydiiyey dhammaanba inta xanuunsanaysa isaga oo u rajeeyey in Alle uu ka dulqaado xanuunkoodaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu Eebe uga baryeyaa umadda Islaamka ah in uu intii Soomanayd uu ka aqbalo acmaasha suuban, intii Xajtay ee buurta Carafa taagnayd-na uu ducadooda ka ajiibo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories