HomeGuddoomiyeyaasha Kulmiye iyo Waddani oo ka hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Ganacsade Ibraahim Dheere...

Guddoomiyeyaasha Kulmiye iyo Waddani oo ka hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Ganacsade Ibraahim Dheere oo maanta Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ka hadlay geerida ku timi Alle ha u naxariistee Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere) oo maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Marxuum Ibraahim Dheere oo ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaanno geyiga Soomaalidu degto, fadhigiisuna ahaa magaalada Jabuuti balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa Afartankii sanno ee u dambeeyey ahaa ganacsada iyo maalqabeennada ugu caansan Qaaradda Afrika, waxaanay labada guddoomiye geerida Marxuumka ka tacsiyadeeyeen Shucuubta dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

cirro_muuseDhambaallo tacsi ah oo ka soo baxay xarumaha Dhexe ee labada Xisbi, ayaa labada guddoomiye kaga hadleen shakhsiyaddii Marxuumka iyo doorkii ganacsigiisu ugu jiro Soomaalida.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo shucuubta dalalka Somaliland iyo Jabuuti geerida ku timi Alle ha naxariistee ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta (12/11/2015).

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey Marxuum Ibraahim Dheere maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Jabuuti iyo Somaliland.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.”

Sidoo kale, qoraal ka soo baxay Xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbigaas Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa lagu sheegay sidan:- “Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Wuxu Tacsi U Dirayaa, gacansatada,wax-garadka, madax -dhaqameedyada, Eheladii qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuum Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin ( Ibraahin Dheere) oo kamid ahaa ganacsadata waa weyn ee reer Somaliland, kaas oo laga yaqaanay guud ahaaba geyiga somalidu degto iyo geeska afrika, oo maanta ku geeriyooday magaalada Jabuuti 12.11.2015.

Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa tacsi taasi lamid ah oo tiiraanyo leh u diraya xukuumadda & Shacab weynaha reer Jabuuti, isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi marxuum Gacansade Ibraahim Cabdi Kaahin ( Ibraahim Dheere) oo maanta ku geeriyooday magaalo madaxda jamhuuriyada Jabuuti, ee Jabuuti.

Md Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ku sifeeyey marxuumka nin door muuqda ka soo qaatay horumarka Qaranka somaliland, isla markaana qayb libaaxle ka soo qaaday nabadayntii beelaha Jamhuuriyada somaliland,waxaanu xusay inuu ahaa adoon ehelu khayr ah oo cibaado badan, kana qayb-qaatay sadaqaadka jaariga ah ee kala duwan.

Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryayaa Marxuum ibraahim Cabdi Kaahin inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, ganacsatada wax-garadka iyo bahda madax-dhaqameedka, eheladii Qoysaskii , Qaraabadii, & shacabka reer Somaliland iyo weliba shacabka reer Jabuuti. ee uu ka baxay marxuumku uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories