HomeGuddoomiye Xirsi Cali oo taageeray Socdaalka Boqor Buurmadow ee Muqdisho, Urur-diimeedka lagu...

Guddoomiye Xirsi Cali oo taageeray Socdaalka Boqor Buurmadow ee Muqdisho, Urur-diimeedka lagu xantana beeniyey

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa taageeray safarka uu Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu ku dooday inaanu jirin sharci madax-dhaqameedka ka horjoogsanaya inay tagaan Soomaaliya.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilka ugu sarreeya hoggaanka Xisbiga Waddani maanta loogu doortay shirweynaha 2aad oo maanta la soo gabo-gabeeyey, ayaa waraysigii u horreeyey ee laga qaado kaga hadlay qodobbo xaasaasi ah oo ku saabsan sababtii kalliftay in isaga wasiirro kale oo uu hoggaaminayaa iska casilaan xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu kaga jawaabayo tuhunno lagu xidhiidhiyo inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedyo lagu xidhiidhiyo iyo waxa uga qorsheysan haddii guddoomiye Cirro ku guul-darraysto doorashada madaxtooyada iyo qodobbo kale.

blankGuddoomiye Xirsi Cali Xasan oo la weydiiyey haddii uu jiro urur-diimeedyo lagu xidhiidhayo inuu ka tirsan yahay waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin urur-diimeed uu ka tirsan yahay waligiina aanu xubin ka noqonin.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo la weydiiyey uu ka ogyahay safarka uu Boqor Cismaan Buur-madow ku joogo magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay inaanu waxba ka ogeyn sabab uu tahay, balse waxa uu difaacay inaanu jirin xeer iyo sharci madax-dhaqameedka u diidaya inay tagaan Soomaaliya

Mar la weydiiyey in Boqor Buur-madow Arrimo siyaasadeed u tagay Soomaaliya isla markaana qayb ka yahay kala-xulista shaqsiyaad la sheegay inay Baarlamaaka Soomaaliya ku metelayaan Somaliland, waxa uu guddoomiyuhu dacaayado lagu bartilmaameedsanayo ku tilmaamay inuu Boqor Cismaan magaalada Muqdisho u tagay arrimo siyaasadeed.

Haseyeeshee, siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo jooga Muqdisho, ayaa caddeeyey inuu Boqor Buur-madow u joogo Muqdisho kala xulista shaqsiyaadka la sheegay inay u dhasheen Somaliland eek u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana shaqsiyaasdkaas ka mid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo bandhigay caddeymo muujinaya in Boqor Cusmaan Buurmadow ka mid yahay hoggaanka odayaasha dhaqanka ee ku magacaaban inay metelayaan Somaliland isla markaana uu ku ku biiray waxgaradka Soomaaliyeed ee u diiwaan gashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

blankMarka laga yimaaddo hadalka guddoomiye Xirsi ku dafiray xaqiiqada uu ka ogyahay socdaalka Boqor Cismaan ee Muqdisho, haddana, waxa uu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan jariimad qaran iyo inuu sharciga dalka ku xad-gudbay, in laga abaal-mariyana mudan yahay ku tilmaamay Qof kasta oo Somaliland u dhashay oo arrimo siyaasadeed u taga Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xanta siyaasadeed ee xisbiga Waddani suuqa u taalla oo ah inuu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay dacaayad aan Sal iyo baartoona lahayn.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories