HomeGuddoomiye-xigeenka Guddida Nabadgelyada ee Wakiillada oo Sheegay in Aannay Jabhaddii Wabar Wali...

Guddoomiye-xigeenka Guddida Nabadgelyada ee Wakiillada oo Sheegay in Aannay Jabhaddii Wabar Wali isasoo Wada Dhiibin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Golaha Wakiillada, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Wakiilada, ayaa sheegay in qaar ka mid ah jabhadii Wabar aanay wali soo xeroon, oo wali ku sugan yihiin halkii ay joogeen,.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey kormeer iyo hawl shaqo oo ay ku tageen Gobolada Saaxil iyo Awdal, waxaanu ugu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxaanu hawl shaqo ku tagnay gobolada Saaxil iyo Awdal, si aanu u soo ogaano xaaladda nabadgaliyo ee halkaas ka jira, anaga oo gudunayna xilkaygaa, madaama aannu Golaha Wakiilada wakiil uga nahay Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada,waxaanu soo ogaanay oo naloo sheegay markii aanu ku sugnayn Boorama ama Gobolka Awdal in aanay wali isa soo dhiibin qaar ka mid ah Jabhadii Wabar hogaamiyaha ka ahaa, inkasta oo ay intii badnayd isa soo dhiibeen, oo sida naloo sheegay Jabhad yari wali hadhay, waxaan ugu baaqayaa inay isa soo dhiibaan, oo dadkooda dhinaca ka raacan, inay dibada iyo duurka joogaan waxba u tari mayse”.

Xildhibaan Baashir Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey Nabadgaliyada waxa uu yidhi “Bulshada waxa aan leeyahay Xukuumaddii waad aragtaan ee Nabadgaliyadiina ilaashada, oo midnimadiina dhinaca uga soo wada jeesta, dantiina ka taliya, oo wixii nabadgaliyo wada iska qabta.”

Source- Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories