HomeGuddoomiye Xamarje oo Sheegay inaanu Dib ugu noqon doonin Badhasaabka Togdheer haddii...

Guddoomiye Xamarje oo Sheegay inaanu Dib ugu noqon doonin Badhasaabka Togdheer haddii madaxweyne ku diido Is-casilaadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), ayaa sheegay in maalintii Jimcahaa ee Dorraad uu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey waraaq is-casilaad ah oo uu kaga tagayo xilkii guddoomiyenimo ee gobolkaas ka hayey.

xamarjeAxmed Cumar X. Cabdilaahi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sababta is-casiladdiisa ku sheegay inay la xidhiidho duruufo shakhsiyeed oo isaga u gaar ah oo aanu wax tafaasiil ah ka bixin.

“Shalay (Dorraad) oo Jimce ahayd bishuna ay ahayd toban, waxaan codsi ixtiraam, qaddarin iyo xishood badani ku dheehan yahay aan u qortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, kaas oo aan kaga dalbaday in aan xaalad ii gaar ah awgeed aan shaqadii ka fadhiisto cid kalana uu meeshii u diro, laakiin safar buu ahaa, insha Allah, ALLE ha soo nabad celiyo, waxaan ku rejo waynahay, kolkuu yimaado ayaan jawaabta ka sugayaa,” ayuu yidhi Axmed Cumar X. Cabdilaahi.

Badhasaab Xamarje uu warbaahinta ugu baaqay inaanay qoraalkiisa istiqaaladda iyo sababaha keenay malo-awaalin, “ujeeddada ay warbaahintu ilaa shalay wadeen intaas bay ahayd, waxaanse ka dardaarayaa wixii malo-awaal ah ee aan jirin in aanay baahin, kolay qofka bani aadamka ah wixii akhbaara ee uu hadba helo inuu sheego ayuun baa muhiim ah, wax allaale wax kale oo cillad ahi jirto. Waxaan beeniyayaa wax allaale iyo wixii kale ee malo-awaal ah ee Warbaahinta la galinayo inay waxba kama jiraan tahay, intaa aan qortay ayuu aniga  muraadkaygu yahay, is casilaadaydu intaas bay tahay, jawaabtana madaxweynahaan ka sugayaa,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray, “Anigu muddo badan baan soo shaqaynayay, muddo imika sadex sannadood ah waan shaqayaynay, intaa aan shaqaynayay kolay xaaladihii ii gaarka ah ee duruuftayda ah ayuun baan ugu baahday inaan is-casilo, sidaas baanay ku gebo gebowday.”

Guddoomiye Xamarje oo la weydiiyey in is-casiladdiisu ku xidhiidho saluug uu ka muujiyey faro-gelin dibadda kaga timi hoggaamintiisa maamulka gobolka, waxa uu u jawaabay, “Waxaynu ka hadlaynaa waa duruuftii anigu  shaqadayda iskaga casilay, duruuftaa aan shaqadayda iskaga  casilay waxaan idiin sheegay inaan madaxweynaha u qortay, duruufo ii gaara awgeed inaan iska casilay, waxii amar ah ee lay siinayaa waa hannaan dawladnimo,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Kolay waa qaabkii ay bani’aadamku aragtiyaha ugu kala gedisnaayeen, qofba wax bay la tahay, aniguse waxaan ahay nin qarankii u shaqaynaya, horana waan ugu soo shaqeeyay imika waan u shaqaynayaa, haddaan shaqada ka tago madaxweynaha waan ag taaganahay, mar walbana sheeg-sheeggeen hadhan bay ka dhigantahay taasi.”

Mar la weydiiyey in Madaxweynuhu ka aqbalay istiqaaladdiisa, waxa uu sheegay inaanu madaxweynaha wax jawaab ah ka helin isla markaana uu ka sugayo soo noqodkiisa, isaga oo intaas ku daray inaanu ku noqon doonin badhasaabka gobolka Togdheer haddii madaxweynuhu ka Aqbalo iyo haddii kaleba sababo caafimaad awgood.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories